HomeLaanta Socdaalka TogWajaale oo Tahriibayaal dib ugu Celisay Itoobiya, Digniin Culusna Ujeediyay...

Laanta Socdaalka TogWajaale oo Tahriibayaal dib ugu Celisay Itoobiya, Digniin Culusna Ujeediyay Gaadiidka Isaga Goosha Caasimada iyo Wajaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-Wajaale (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland ayaa markii labaatanaad dib ugu celisey dalka Itoobiya Tahriibayaal kontomeeyo ku dhow  oo laga soo qabqabtey agagaarka Caasimada Hargeysa oo ay dhuumasho ku galayeen iyo qeyb kale oo lagu soo qabtey inta u dhexeysa Tuulada Kalabeydh iyo Wajaale.

blankTahriibayaashan Itoobiyaanka ah, oo damacsanaa in ay dhuumasho kaga gudbaan dalka Gudihiisa iyagoo usii jeeda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan doonyaha tahriibta, ayaa Ciidanka Laanta Socdaalka ee Somaliland gaar qaybta Xarunta Guud ay kasoo qabqabeen tahriibayaashan iyaga oo dhuumasho ku galaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii la ogaadey inay dhuumasho ku raacayaan Gaadiidka iskaga Goosha Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Magaalo-Xuduudeeda Tog-Wajaale.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa ka warramay sida ay u soo qabteen Tahriibayaashan iyaga oo ku sugan naxaaxiga Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay nawaaxiga xuduuda kaga gudbeen dhuumasho, waxa kale oo uu xusey in 23 kamid ahna laga soo qabtey Kalabeydh iyo Wajaale dhexdooda, isagoo xusey in ay  isla maanta
ay dib ugu celiyeen dalka aynu jaarka nahey ee Itoobiya, in ay yihiin kuwii labaatanaad ee noocooda ah ee la qabqabto dibna loogu celiyo dalka Itoobiya.

Waxa uu Taliyihu xusey in Xarunta Laanta Socdaalka TogWajaale ay subax kasta qabaqabtaan tahriibayaal fara badan oo dhuumasho ku socda kuwaas oo ay si qubane ah dib ugu celiyaan dalkaasi ay kasoo talaabeen ee Itoobiya, Waxaanu xusey in tahriibayaashu u badan yihiin Qowmiyada Oromada kuwaas oo qaarkood laga soo qabqabto Kalabeydh iyo Wajaale dhexdooda, Gabiley iyo Kalabeydh dhexdooda iyo meelo kala duwan oo ay lug ku marayaan.
”Ma aha markii u horeysey ee nooceeda ah  ee aanu qabqabno tahriibayaal dhuumasho kusoo galaya dalka Somaliland una sii jeeda dhinaca Maamul Goboleedka Puntlnad, oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan doonyo lagu tahriibinayo kooxdan aanu saaka qabaney waxey ahaayeen sodomeeyo dhuumasho ku baxayey, oo laga soo qabtey nawaaxiga Caasimada Somaliuland ee Hargeysa, kuwaas oo ay soo qabqabteen Ciidanka Laanta Socdaalka Xarunta Guud waanan
uga mahad celinayaa Taliyaha Guud ee Laaanta Socdaalaka Somaliland Maxamed Yuusuf oo muddadii uu joogey si wanaagsan gacan nooga siiyay qabqabashada tahriibayaasha, waxaana dhinaca Hargeysa laga keenay 33 tahriibayaal ah oo u dhashey Itoobiya halka 23 kamid ahna laga soo qabtey Kalabeydh iyo Wajaale dhexdooda, isla saaka ayaanu u gudbinay dhinaca dalkan aynu jaarka nahey ee Itoobiya oo ay kasoo gudbeen markii hore, Subaxdii Alle keenaba
qaar ayaanu qabanaa oo socodkoodu waa joogto,” sidaa waxa yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee fadhigiisu yahey Xarunta Socdaalka TogWajaale.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in aanay aheyn markii u horeysay ee ay tani noqoneyso markii labaatanaad sanadkan oo kaliya ee ay tahriibayaal xooggan dib uga celiyaan Gudaha Dalka Somaliland, Waxaanu hadalkiisa digniin culus ugu soo jeediyay Guuda ahaanba Gaadiidleyda Iskaashatada Gaadiidka ee iskaga kala goosha Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Magaalada TogWajaale ee Xarunta Degmada TogWajaale ee Dhinaca Somaliland oo ay rakaabka kana qaadaan kuna soo rogaan in ay iska ilaaliyaan qaadista tuugada ah,isagoo xusey in cidii lagu qabto ay horgeyn doonaan sharciga kuna muteysan doonaan Xadhig iyo ganaax culus.

Waxa joogto noqotey tahriibayaasha Itoobiyaanka ah in ay maalin walba kazoo Gudbaan dhinaca Dalka Itoobiya, kuwaas oo dhuumasho kaga gudbaya Gudaha Somaliland iyagoo usii jeeda Maamul Goboleedka Puntland, oo ay Magaala Xeebeeda Boosaaso ka raacaan doonyaha tahriibta ah, iyadoo Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Somalilandna ay u tahey mid joogto ah qabaqabashada iyo ilaalinta ay kula tacaalayaan sidii loo xakameyn lahaa tahriibayaashaasi,
waxaana hada aad u yaraadey Tahriibayaashii Soomaalida ahaa ee u kala dhashey Somaliland iyo dalka Soomaaliya oo inta badan laga soo celin jirey Itoobiya iyo Suudaan xuduuda u dhexeysa kuwaas oo lagu soo daadiyo Magaalada Tog-Wajaale .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories