HomeLaanta Socdaalka Tog-Wajaale oo Kormeer iyo Wacyigalin U Jeediyay Ajaanibka Ku Sugaan...

Laanta Socdaalka Tog-Wajaale oo Kormeer iyo Wacyigalin U Jeediyay Ajaanibka Ku Sugaan Degaamadaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankTog-Wajaale (SLpost)-Saraakiisha ka howl gala Xafiiska Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee Xaruntiisu tahay Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala xuduudau dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland, ayaa kormeer balaadhan oo xog raadin iyo wacyigalin isugu jira kusoo marey Deegaanada beeraleyda ee Gobolka Gabiley, ee ay ku badan yihin kumanaanka ajaanibka ah ee ka shaqeeya beeraha bustaanada ah.
Kormeerkan , oo ahaa sida ay sheegeen mid ay mudaba ka wadeen meelaha jaanibka ugu badan yihiin dhulka beeraleyda oo kamid ah meelo badan oo katirsan Gobolka Gabiley, iyo Degmada Faraweyne, waxa ay ku wacyi galiyeen ajaanibkja halkaa ku sugan sidii ay ugu diyaar garoobo lahaayeen, in ay dalka ka baxaan iyagoo dhowraya wakhtiga loo qabtey Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale C/rashiid Axmed Xasan oo Warbaahinta uga waramay talaabooyinka dhaqdhaqaaqooda iyo isbadelada xiligan ku yimid ajaanibka dalka dhuumashada ku soo galaya, iyo ku qaatey amarkii Xukuumadu ugu sheegtay in ay dalka ka baxaan ee iyagu iska sii socda waxa uu sheegay, in ay todobaadyadii u danbeeyay ay qaadeen kormeer guud oo ay ku wajahan sidii ay xog buuran uga heli lahaayeen guud ahaanba ajaanibka ku sugan Gobolka Gabiley, iyo Degmada Faraweyne, ee ka shaqeeya beeraha deegaanadaasi, oo qaarkood ku diga jabsadeen halkaas oo ay mudo badan joogeen, waxa kale oo Taliyuhu ka waramay in indhawaale tan iyo intii ka danbeysay amarka kasoo baxay dhinaca Xukuumada ee dalka lagaga saarayo ajaanibka ay aad u adkeeyeen marinka Tog-Wajaale ee xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland.
“Kormeerkayagu waxa uu ahaa mid aanu ugu kuur galeyno tirada dadka jaanibka ah ee ku sugan Gobolkan , oo kolay aanu is leenahay wey ka badan yihiin kuwa kale sababtoo, ah inta badan beeraha ayay ka shaqeeyaan, wacyigalina waanu ku samayanay aanu ugu shegayno in ay ilaaliyaan wakhtiga loo qabtey, oo ay xamaan urursadaan, dhinaca kalena, tan iyo mudadii amarkani soo baxay, waxa maalinba maalinta ka danbeysa kor u sii socda dadka ka baxaya dalka ee dib ugu noqonaya Itoobiya,iyo kuwii tahriibayaasha haa ee tuugada kusoo galayay Somaliland oo sii yaraanaya, madaama oo ay warka maqleen,” Sidaa waxa yidhi Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale C/rashiid Axmed Xasan.
Waxa oo Taliyihu ka waramay in ay dhawaan ka furi doonaan Xarumo Laanta Socdaalka ah Degmooyinka Alleybadey, iyo Faraweyne oo hoos yimaada Xaruntan Tog-Wajaale, isagoo sidoo kalana faafaahin ka bixiyay isabadelka indhawaale ay ka daremeen dhinaca Xuduuda u dhexeysa labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland gaar ahaan marinka ugu weyn ee Tog-Wajaale waxa uu yidhi.
“Maanta oo kaliya, waxa dalka Somaliland ka baxay oo nagu soo marey halkan, Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale 181 kamid ah dadka ajaanibka ah ee kunoolaa dalka gudihiisa waana mid sii kordheysa, maalinba maalinta ka danbeysa iyadoo taa dhigeedana laga dareemayo inay aad u yaraadeen dadka tahriibayaasha, ahaa ee sida tuugada ah usoo galayay awal hore Somaliland kuwaas, oo ay kolay warka gaadhsiiyeen kuwa ku sugan gudaha Somaliland waayo, awal hore halkii aanu maalin maalin ka celin jirey boqol qof maanta oo kale waxaanu celinay sadex qof oo kaliya”Ayuu yidhi Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale.
Ugu danbeyntii waxay fariin adag u soo jeediyeen guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, iyagoo ku war galiyay, in aanay socdaali karin aqoonsi la,aan islamarkaana ay qaataan baasaboorka Somaliland oo wakhtigan xaadirka ah laga fududeeyay, sidii uu awal hore ahaa sida ay iyagu sheegeen waxaanay ku adkeeyeen Shacbiga reer Somaliland, in aanu qofna dhayal kaga gudbi karin xuduuda inoo dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya sharci, la,aan.
Laanta Socdaalka Tog-Wajaale oo xarun ah guud ahaanba Gobolka Gabiley, iyo Degmada Faraweyne ayaa mudooyinkan danbe kor u qaadey dhaqdhaqaaqa ay uu kuur galayaan ajaanibka ku sugan degaanada Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne.

Somalilandpost.net

Wajaale, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories