HomeLaanta Socdaalka oo Qabatey Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo Isugu jirey Rag iyo...

Laanta Socdaalka oo Qabatey Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo Isugu jirey Rag iyo Dumar u dhashey Qowmiyadda Amxaarada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)-Laanta Socdaalka Somaliland ayaa, mar kale dib ugu celiyay labaataneeyo tahriibayaal Itoobiyaan ah, oo laga soo qabtey Duleedka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo u dhashey Qowmiyada Axmaarada ee dalka Itoobiya oo dhuumasho kaga soo gudbey dhinaca Magaalada Harta-Sheekh ee kililka shanaad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Tahriibayaashan Laanta Socdaalka Somaliland ee Xarunta Tog-Wajaale maanta galinkii dambe dib ugu celisey dalka Itoobiya,  oo ka duwanaa tahriibayaashii inta badan laga celin jirey Somaliland oo u badnaa Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa iyagu ahaa, Kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Axmaarada oo aan iyagu ku badneyn tahriibayaasha dhuumashada kaga gudba Somaliland, iyagoo usii jeeda Maamul Goboleedka Puntland oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan Doonyaha Tahriibta.
blankTaliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xasan, oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ugu waramey Magaalada Gabiley, isagoo tahriibayaashan usii wada dhinaca Dalka Itoobiya oo ay dib ugu celinayeen ayaa sheegay, in Tahriibayaashan laga soo qabtey iyagoo dhuumasho kusii galaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxaanu xusey Taliyihu in laga soo qabtey Maqaaxida Inanta, oo oo tobaneeyo KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa.
“Hada ayaanu gudbineynaa tahriibayaashan oo kasoo Wareegay dhinaca Magaalada Harta-Sheekh waxaana soo qabtey Ciidanka Waaxda Socdaalka Xarunta Somaliland ee Hargeysa tahriibayaashanina wey ku duwan yihiin kuwii hore oo u badnaa Qowmiyada Oromada inkastoo oo ay wada Itoobiyaan yihiin hadana Waa Qowmiyada Axmaarada ayay kasoo jeedaan kooxdani, dib ayaanu celineynaa, koley Shabakada Hadhawnaagnews wada shaqeyn fiicanbaa naga dhexeysa, waxaanan kuu sheegayaa in Maxakamada Gobolka Saaka la horkeenayo Baabuurkii sidey xukun adag ayaa ku waajibaya maadaama aanu in badan Warbaahinta uga digney dirawaliinta tahriibta Dhuumashada kusoo galinaya Gudaha Dalka Somaliland khusuusan Hadhwanaagnews, Wargeysyada Geeska-Afrika iyo Ogaalba marar badan ayaanu digniinta u mariney imikana waanu ku celinaynaa”Ayuu yidhi C/rashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee Fadhigiisu yahey Tog-Wajaale.
Sadex maalmood ka hor ayey aheyd markii Tahriibayaal kontomeeyo ah oo u dhashey dalka Itoobiya di loogu celiyay dalkaasi, kuwaas oo iyaguna damacsanaa in ay dhuumasho kaga Gudbaan Somaliland iyagoo usii jeeda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland, oo ay Magaalada Boosaaso ka raacaan doonyaha Tahriibta ah ee ay halkaasi bartilmaameedka u tahey, Waxaana maalmahan Dambe  siweyn loo dareemayaa dhaqdhaqaaqa culus iyo Howlagalada Laanta Socdaalka Somaliland ku baadi goobeyso joojinta tahriibayaasha sida qulqulka ah uga gudbaya Dhinaca Somaliland.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories