HomeLaanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo digniin u jeedisay Dadka Ajaanibka ee ku...

Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo digniin u jeedisay Dadka Ajaanibka ee ku dhaqan magaalada Wajaale

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

TOG-WAJAALE (SLpost)- Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigeedu yahay Degmada Tog-Wjaale Xuduudda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa amar adag kusoo rogtey dadka aan muwaadiniinta aheyn ee ku nool magaaladaas, kuwaas oo ay uga digtay qaadashada kaadhka Muwaadinka, isla markaana talaabo adag laga qaadi doono haddii lagu qabto goobaha Diiwaangalinta muwaadiniintu ka socoto.

taliyahaGobolka Gabiley, ayaa ka mid ah gobollada ay ka socoto diiwaangelinta Madaniga ah oo muwaadiniintu ku qaadanayaan Kaadhadhka Aqoonsi ee caddaynaya inay dalka u dhasheen.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo ka war-bixiyey sida ay ula shaqeeyaan hawl-wadeennada ku jira diiwaangelinta Muwaadiniinta ee ka socota gobolka Gabiley iyo tallaabada ay ka qaadayaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee doonaya in ay ka qayb-qaataan Diiwaangalinta Madaniga ee ka Socota Magaala Tog-Wajaale, ayaa sheegay in ay si gaar ah ula socdaan isla markaana tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka aan muwaadiniinta ah ee diiwaangelinta ka qayb-qaadanaya maadaama Degmada Tog-Wajaale ku taallo meel Xuduud ah.

“Diiwaangalintii muwaadiniinta Somaliland si wanaagsan ayay uga socotaa magaalada Wajaale laakiin Magaalada Wajaale waa Magaalo ganacsiyeed oo waxaa ku nool ama ka ganacsada dadyaw fara badan oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darteed waxaan uga digayaa ciddii aan u dhalan Somaliland ee isku dayda in ay qaadato jinsiyadda Somaliland in aanu tallaabo sharci ah ka qaadi-doono sharcigana la tiigsandoono. Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobka afraad, waxaa qaadan kara oo kaliya qof kasta oo u dhashay Somaliland kana isiran dadkii deganaa dalka Somaliland 26kii juun 1960 iyo ka hor, ciddaasi uu dastuurkeenu caddeeyay ayuunbaana qaadan karta ee cid kale ma qaadan karto,” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo maanta warbaahinta la hadlay.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi, “Waxaan u sheegayaa dadka ka ganacsada Magaalo ganacsiyeedkan Tog-Wajaale oo ah magaalo ganacsiyeedka ugu wayn bariga Africa. Sidaasi darteed waxaan leeyahay haddii laydiin ogolaaday in aad si xor ah uga ganacsataan dalkan Somaliland waa in aydaan isku dayin in aad qaadataan aqoonsiga Somaliland.”

Taliyaha waxa uu baaq u jeediyey Hawl-wadeennada ku gudo-jira Diiwaangelinta Muwaadiniinta, waxaanu yidhi, “Ciidan Socdaal ahaan kormeer joogto ah ayaanu ka galeynaa goobaha diwaangalintu ka socoto waxaana goob joog noogu ah xuuraan joogto ah, waxaanan usoo jeedinayaa kooxaha diiwaan-galinta wada iyo cuqaasha la joogtaba in ay ka taxadaraan in ay aqoonsiga Somaliland qaadato cid aan Somalilander ahayni.”

Diiwaangalinta Madaniga ah ayaa todobaaddadii u dambeeyey ka socotey Magaalada Tog-Wajaale, iyada oo laga dareemayo magaaladaasi dadka oo safaf dhaadhaadheer ugu jira Diiwaangalinta.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories