HomeLaamaha Ammaanka Somaliland oo lagu amray in Muwaadiniin & Ajaanib La weydiiyo...

Laamaha Ammaanka Somaliland oo lagu amray in Muwaadiniin & Ajaanib La weydiiyo Kaadhadhka Dhalashada iyo wakhtiga la bilaabayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Ciidamada Booliska, Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa amar lagu siiyey inay todobaadkan gudihiisa guud ahaan dalka oo dhan laga bilaabo olole lagu saarayo muwaadiniinta iyo Ajaanibka dalka ku sugan, sida lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland  mudane  Cali MAxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland .

War-qoraal xambaarsan wareegtada wasiirka oo maanta ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 11-ka bishan May la hirgelinayo olole dadka lagu weydiinayo Kaadhadka dhalashada, iyadoo ujeeddada tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo ammaanka dalka maadaama wakhti kooban ka hadhsan tahay xuska munaasibadda maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland    isaga  oo  ogsoon  in  ilaalinta  nabadgalyadu ay  tahay  ahmiyada  Koowaad ee qaranka  waxaa  lagama maarmaan ah  in aynu  adkayno la socodka  dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta  ah iyo kuwa Ajaanibka ah.

Sidaas awgeed  waxaa  la bilaabayaa olole lagu  baadhayo dadka  laguna  kala saarayo  Qofka   muwaadinka  ah  ee sita  Kaadhka aqoonsiga  Dhalashada   ama  Kaadhka  Degenaanshaha  ajaanibka. Waxaanay  ciidamada amnigu  billaabi  doonaan  Baadhis  Iyo In Dadka La Joojiyo  iyadoo  baabuurtana lagu  joojin  doonaa  waddooyinka.

Waxaana  Dadkaa la weydiin  doonaa

1-      Kaadhka  Aqoonsiga Muwaadinka

2-      Kaadhka  Degenaanshaha  Ajaanibka

Hadaba  waxaa la idin  farayaa  in aad u  diyaar garawdaan  habeenka  arbacadu soo galayso ee bishu  tahay  11/05/2016 iyada  oo ay  hawshan  ka qayb  gali  doonaan  Ciidamada Boliska, Waaxda  socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda Daakhiliga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories