HomeLa-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga oo Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Khaatumo...

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga oo Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Khaatumo iyo Xubnaha uga qayb-galaya wada-xaajoodka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga Cabdinaasir Garaad Abshir, ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh oo caasimadda u jooga wada-hadallo la filayo inay dhowaan u furmaan xukuumadda Somaliland.

Cabdinaasir Garaad waxa uu Prof Cali Khaliif kula kulmay Guriga uu ka deggan yahay magaalada Hargeysa, waxaanay labada masuul si qoto-dheer uga wada-sheegaysteen sidii looga midho-dhalin lahaa wada-hadalladaas isla markaana si wada-jira looga fekeri lahaa waajibaadka ka saaran horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee shacabka ku nool gobollada iyo deegaannada ay metalaan, sida uu Cabdinaasir u sheegay wariye ka tirsan Somalilandpost.net oo wax ka weydiiyey ujeeddada kulankaas.

Garaad-iyo-Cali

Sidoo kale Cabdinaasir Garaad waxa magaalada Hargeysa kula kulmay Xubnaha la socda Prof Galeydh ee ka qayb-galaya wada-hadallada oo dhowaan la filayo inay isku wajahaan xukuumadda.

Ka sokow kulanka dhexmaray La-taliyaha iyo masuuliyiinta Khaatumo, Cabdinaasir Garaad waxa uu todobaadkan warbaahinta u marayiyey siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaamada Bariga sidii ay u taageeri lahaayeen isla markaana u barbar-joogsan lahaayeen ka-midho-dhalinta geeddi-socodka wada-hadallada la filayo inuu u furmayo xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka mid ah masuuliyiinta da’da yar ee Xukuumadda Somaliland ugu jira gobollada Bari ee dalka gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool, ayaa ka sokow xilka uu u xil-saaran yahay, waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay nabadeynta deegaannada Bari iyo isku soo dhawaynta xukuumadda iyo shacabka deegaanka uu ka soo jeedo.

Weftiga uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh, ayaa magaalada Hargeysa ku sugnaa labadii bilood ee u dambaysay, iyadoo uu jiray kulan hor-dhac u ah isla markaana imaanshihaha magaalada Hargeysa gogol-xaadh u ahaa, kaas oo ku qabsoomay magaalada Caynaba ee gobolka Saraar.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories