HomeLa taliyaha Madaxweynaha ee Dadka La-hayb sooco oo xukuumadda uga mahadceliyey wax-qabadyo...

La taliyaha Madaxweynaha ee Dadka La-hayb sooco oo xukuumadda uga mahadceliyey wax-qabadyo ay u samaysay dadka uu Wakiilka ka yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost) – La taliyaha madaxweynaha JSL ee arimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel xaraf ee magaalada Hargaysa kaga warbixiyey waxqabadka xukuumaddu u gaysatay Beelahaasi.

La taliyaha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ka heleen wax badan oo aanay ka heli jirin xukuumadihii ka horeeyey, taasoo ay ugu waaweyn tahay buu yidhi iyadoo kor loo qaaday aqoonta aradada ka soo jeeda beelaha la hayb sooco isla markaana 23 arday oo beelahan ka soo jeeda ay wasaaradda Maaliyaddu ka bixiso Kharashka ama Fee-ga jaamacadaha ay dhigtaan.

La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshadu waxa uu tilmaamay in Beelaha la hayb soocaa ay Somaliland ku haystaan karaamo balaadhan oo aanay ka helin wadanka aynu deriska nahay ee Somalia.

Mudane barkhad Jaamac waxa uu sheegay in tiro kamid ah dhalinyarada beelaha la hayb sooco lagu shaqaysiiyey Dikreeto madaxweyne iyadoo laga duulayo ayuu yidhi qorshayaashii xisbiga Kulmiye ee xiligii Ololaha, waxaanu intaas ku daray in Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay Xurmo balaadhan u hayso beeshan.

Mudane barkhad waxa uu sheegay in Xukuumadda jirtaa suuragelisay in ay beelaha la hayb soocaa qayb ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda.

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu waxaa shir saxaafadeedkiisa ku weheliyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmada gacan Libaax khadar cismaan Guuleed, Gudoomiyaha Akaademiyadda iyo nabadda iyo Horumarinta ee dadka la hayb sooco Xuseen Ibraahim Buuni iyo Afhayeenka beelaha Gabooye Kamaal Saalax xasan oo dhamaantood sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin waxqabadka xukuumadda eek u aaddan beelaha la hayb sooco.

SLpost News Desk

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories