HomeLa Kordhiye Yaa Loo Kordhiyay....Kordhinta Dambena Yaa Loo Kordhinayaa? , Qormada: 1aad...

La Kordhiye Yaa Loo Kordhiyay….Kordhinta Dambena Yaa Loo Kordhinayaa? , Qormada: 1aad … Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Shalay markii aynu la dagaallamaynay nidaamkii la eeday ee la dagaalay ee Siyaad Barre, waxaynu ku jirnay halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM

“Xilligu waa goor-xun saar,

Gegaa lagu dheelayaa,

Shacbigu ka-garsoore yahay,

Waxaa guul sheegan kara,

Cidday u gartaan iyagu,

Haddaad tahay guur-u-meer,

Garaabo adoon qub-qubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari,

Abaalkana waa gudnaa,

Waxaad noo gashee horiyo,

Gadaal waxaad maaggan tahay,

Bal noo sheeg waa golee,”Waddani Feejigan

Maansada  Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 2/5/2015ka,

Qormada: 1aad

BOOBE-YUUSUF-DUCAAALE.

Taxanaheennii toddobaadlaha ahaa ee “Dadkii sow tan Haadkiyo, Haanraawe boobeen,” dabri meynno e’ aynu yar dagagarro. Ka raagi meynno e’, waa aynu ku soo noqon doonnaa.

Taxanahaa aynu yar hakinnay aynu ku dul-lisno Taxane gaaban oo maalinle ah oo dhowr maalmood inoo socda, haddii Eebbe idmo. Waa maalmaheedii……Waa maalmihii loo iilan jiray murtidii iyo meexaanihii Macallin Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa maalmihii qalinka la dhaarin jiray ee sidii Macallinka lagu odhan jiray: Qalinyahow mindiyo, ii noqo maddane, khadkan hoo murka, kii macallinka ah, ee midab-caska ah. Tuducan dambe aan Macallin Gaarriye u cudur-daarto oo ku soo xidho: Qormadaydan mudan, midig aad tartide, meded baan ku idhi. Waa arar dadabgalkeedii.

Shalay markii aynu la dagaallamaynay nidaamkii la eeday ee la dagaalay ee Siyaad Barre, waxaynu ku jirnay halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM horseed ka ahayd. Maantana waxaynu ku jirnaa halgan habaysan oo dimuqraaddi ah oo qaran-badbaadin ah oo uu Is-bahaysiga Mucaaradka ahi horseed ka yahay. Tuugna ma xado. Wixii aynu qoriga ku soo dhacsannay ayay haad iyo haanraawayaal isu tegay doonayaan in ay qalin inagaga maroorsadaan oo Xamar iyo godad hore la inooga qaniinay ay qandaraasyo kula galaan. Ma iyagii wax la og yahay sameeyay ee qarannimadeennii fasaqay ayaa cid eedaynaya. Innaguna qalinkaa mid ka fiiqan iyo qowl san ayaynu xaqeenna iyo xurmadeennaba ku ilaashanaynaa, wixii inaga dhacmayna ku soo dhacsanynaa.

Muran iyo is-qabqabsi ma weyno. Wax kalena ma aha. Waxa meesha ku jira maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “Waayeel waa ayo iyo waa innaga oo aan is-yeel-yeelayn.”

Halkii Timacadde ka dardaar-werinayay lixdannaadii ayaynu weli taagan nahay. Sow kii lahaa: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin laa sheegaa.” Subxaan! Tolow goor ma ayaa la dejinayaa reerkan daalay. “Miyaan Geeddi-baabbow arladu, gelinna waayaynin,” iyaduna waa dardaar-werintii Maansada Gudgude.

Xukuumaddeenna isku-filan durbaanno ayay tumaysaa. Mashxaradda iyo alalaaska waad yaabtaa. Waxay duddubinayaan in ay guulo ma-dhaafaan ah, lama-illaawaan ah soo hooyeen oo ay horumar la yaab leh sameeyeen. Horumar aan hortood cidi samayn iyaga oo mararka qaarkoodna berri iyo waxa soo socda ka sheekeeya oo yidhahda Xukuumad naga dambeysaana ma samayn karto. Hadda waa awoodo aanu beni-aadamkuba lahayn ama yeelan karinba oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay oo keliya u sugnaaday. Subxaan!

Mar sidaas ayay u hadlayaan oo horumarka iyo wax-qabadka cidina kulama tartanto. Marna waa ay baqanayaan oo kelyo iyo geesinnimo ay doorashada ugu badheedhaan ma hayaan, maxaa yeelay wax alle yaale wax ay qabteen oo ay la soo shir tagaan ayaan jirinba. Sidii Boqor Axmed Ugaas u sheegay haddii ay wax qabteen doorashada waa ay ku degedegi lahaayeen inta aanay midhaha ay ka-been-sheegayaan engegin. Xaqiiqadu se waxay tahay in aanay irbad dun gelin oo aanay meerisna tolin, hadimo iyo hagardaamo ay dal iyo dadba badeen mooyaan e’. Waa halki Hadraawi e’, gambo iyaga oo aan la soo bixin ayay doonayaan in guulo lagu waabo. Wixii nidaamkii Siyaad Barre ka xishooday oo dhan ayay ku tallaabsadeen. Nidaamkaas waxaynu isku haysannay Xuquuqdeenna iyo madax-bannaanideenna ee iskuma aynaan haysan daaro, jagooyin iyo dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera.

Kaaga-daranta, waa kuwan markii ay male iyo maaro kale waayeen ku meeraysanaya laba sannadood iyo ka badan oo loo kordhiyo. Xataa haddii loo kordhiyo oo ay amarka Ilaahayba dhammaystaanba muddadaa loo korrdhiyay, ma waxaad moodaysaan in ay doorasho gelayaan. Muraadkoodu wax kale ma aha oo aan ahayn wixii ay boobi karaan labadaa sannadood in ay boobaan. Su’aasha ugu daran ee ‘Miliniumka’ ee ay dadweynuhu meel ay joogaanba is-weydiinayaan waxay tahay: “Ha la kordhiyo e’ yaa loo kordhinayaa.” Mararka qaarkood dad baa halkaa ka sii gudba oo yidhaahda: “La kordhiye, yaa loo kordhiyay.” Waayo dadku waxay ka dheregsan yihiin xaaladda hoggaamineed ee dalkan tabaalaysani ku sugan yahay iyo sida ay uga dardaar-werinayaan intii hoggaankan aan la mahadin ku xeersanayd.

Si aan taxanahaygan gaaban u suntado, Qodobbada aynu ku qaadaa-dhigi doonnaa waxay ka koobnaanayaan:

  1. Mowqifka Mudane Siilaanyo ee Muddo-kordhin loo sameeyo,
  2. Madaxtooyada ama Xukuumadda yaa ka aamminsan Muddo-kordhinta?
  3. Muxuu wax uga qaban waayay Madaxweynuhu haddii aanu aamminsanayn muddo-kordhin?
  4. Yaa Xaq, Xeer iyo Xaagaanba u leh in ay cayimaan maalinta doorashada?
  5. Golaha Guurtida iyo dareemmadii ka soo noqday cayimaadda maalintan ka dib,
  6. Golaha Guurtidu maxay xaq dastuuriya u leeyihiin?
  7. Gunaanadka taxanahan,

Aniga oo si kooban oo la wada garan karo idiin ku soo gudbin doona taxane-maalkan kooban, waxaan magan idiin ka ahay in aydaan iga hadhin oo aanu idin ka lumin xidhiidhka sheekada iyo ma-hadhooyinka xanuunka leh ee ay xambaarsan tahay. Si kooban haddii aan u idhaahdo akhriska uun ha igu gabina, mowqifka ay idin la noqotana waad qaadan kartaan. Waa marxalad aad xasaasi u ah oo uu marayo geeddigeennii  dimuqraadi

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories