HomeLA KALA DHEEREE ORODSE MAAHA!

LA KALA DHEEREE ORODSE MAAHA!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Walaal sidaan wada ognahay waxaa jirta in Salaadaha faralka ah Ragu hadii uu ku tukado Jamac loo qorayo 27 derejo oo qofku dheeryahay qofkii ku tukada gurigiisa ama suuqiisa, Ka soo qaad hadaad shanta salaadood ku tukato jamac waa 27 derejo x 5= 135 hadiise uu qofku ku tukado weliba ragu gurigooda wuxuu helayaa keliya 5 derejo saladiiba hal derejo.

Sidaas oo kale salaaduhu way sii kala duwan yihiin qofku haduu salaada cishaa’I ku tukado jamac wuxuu ka dhigan yahay in uu habeenka kala badhkii ku soo jeeday salaatu layl inuu tukanayey, sidaas oo kale hadii uu ninku ku tukado jamac salaada subax wuxuu ka dhigan yahay in habeenkii oo dhan uu u taagnaa salaatul layl, ogow walaalhabeenkii kala badh ka mid ah qofka way ku adagtahay inuu u soo jeedo Salaatu llayl laakiin wuxuu ku helayaa arintaas isagoo jamac ku tukada Salaada cishaa’i, sidaas oo kale hadii uu qofku habeenkii oo dhan yidhaaho

Salaatul layl ayaan ku soo jeedayaa waa ku adkaanaysaa habeen kasta wuxuuse helayaa ajarka soo jeedida habeenkii oo dhan marka uu Salaada subax ku tukado jamac.

Qiso kooban.

Hadaba maadaama fadligaas badan ay leeyihiin salaadaha oo ragu ku tukado jamaca waxaan dhacday qiso uu inooga sheekeeyey nin salaadii cishaa’I ku tukaday gurigiisa inta salaadii cishaa’I dhaaftay ayuu gurigiisa ku tukaday isagoo aad uga murugaysan in salaadii dhaaftay jamaceedii, dabeed wuxuu xasuustay xadiiskii ahaa 27 in uu dheer yahay

qofka jamac ku tukaday, ninkii ayaa tukaday 27 salaadood oo cishaa’I ah bal si uu u gaadho saaxiibadiisii ku tukaday jamaca, ogow 27 salaadood oo cishaa’I may jirine wuxuun buu mid mooyee inta kale u niyaystay Sunayaal si derejada 27 ah uu u gaadho, markii uu seexday ayuu ku riyooday isagoo beretan ama orod ka qayb galay oo laga wada

dheereeyey , markaasuu ninkii ugu danbeeeyey dadkii ordayey waydiiyey waar maxaad isaga hadhi wayday kaa dheereenee?, ninkii laga dheereeyey ayaa yidhi oo maxaad iiga dheerayseen ee samayseen, wuxuu ku yidhi

weligaa na soo gaadhi maysid waayo 27 derejo ayaan ku dheernahay oo ah salaadii cishaa’I oon jamac ku tukanay adiguna kumaad tukan fadlan hadaalin ee naga hadh na gaadhi mayside.

 

Alaylehe way ka dheereeyeen sababtoo ah waxay ku tukadeen Jamac ,

La kala dheeree orodse maaha, waxaa lagu kala dheereeyey daacadda Alle oo ragna laga tegay ragna dheereeyeen,

Waxaynu maqalnaa orodyahanka hebel bilad dahabuu qaaday Xaqiiqadii ninka daacada Alle u dheereeya ayaa qaaday bilad dahaba iyo wax kastoo qaali ah oo aduunka iyo aakhiroba yaala, Allena kuwaas ha inaga dhigo. Salaadaha Jamaca aynu ku tukano si aan derejooyinkaas wacan u gaadhno.

Hussein Jama Guudcade

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories