Home"Kuwa Xamar ee aad Isku-dhexmaran tihiin Run u sheega" - Madaxweynaha Somaliland...

“Kuwa Xamar ee aad Isku-dhexmaran tihiin Run u sheega” – Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Culimada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur iyo casho isugu jira u sameeyey culimo’awdiinka kala duwan ee dalka, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Dalka.

blankKulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayaan madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyeyaasha ciidamada dalka, agaasimeyaal guud, culimada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, islamarkaana ah mid sannadleh ah, ayey ujeeddadiisu tahay is-xogwaraysi, kala qaadashada wixii talo iyo tusaale ah iyo duco caam ah oo ay culimadu ugu duceeyaan dadka iyo dalka.

Ugu horrayn wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo halkaas ka hadlay, ayaa gebi ahaanba u dceeyey dadka iyo dalka, isaga oo bulshadana ugu baaqay inay ilaashadaan wada-jirkooda, midnimadooda iyo qarannimadoodaba.

blankSheekhal beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali-jowhar iyo Dr. Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame oo kamid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey kulanka sannadlaha ee uu culimada la qaato iyo sida uu u qaddariyo culimada, talooyinkoodana ugu heellan yahay, waxana ay ballan qaadeen inay culimo ahaan diyaar u yihiin inay madaxweynaha iyo dawladdaba la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay munaasibadda uu ku sharfayo culimada dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in gole ahaan go’aamadooda saldhig uga dhigaan talooyinka culimada dalka.

blankGuddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheegay in culimadu yihiin awood weyn oo qayb ka qaadan karta wacyigelinta bulshada toosintooda iyo talo siintoodaba, dedaalladoodana dadku u xiiso qabaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhankiisa culimada ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaallada kala duwan ee xukuumaddu dalka ku horumarinayso, bulshadana ku waaniyaan isku duubni, midnimo iyo wada-shaqayn.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somalilland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa bogaadiyey kulanka sannadlaha ee uu madaxweynuhu la qaato culimada iyo sida uu ugu dhego nugul yahay talooyinkoodaba, isaga oo ku dheeraaday kaalinta ay culimadu kaga jiraan fidinta diinta Islaamka, la dagaallanka xumaanta, wacyigelinta bulshada iyo sixidda afkaarta qaldan.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada dalka, waxana uu ku tilmaamay astaan diimeed oo haybad iyo karaamo diineed huwan, islamarkaana uu madaxweyne ahaan uu qaddarin iyo Sharaf weyn u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Qiimaha ay culimadu ku leedahay dalka iyo bulshadu waa mid weyn oo waa dhaxalkii Ambiyada, waxana aan raacsanahay fikradda ah Diintu waa Asal, dawladda iyo shacabkuna waa Ilaaliyaan, sidaas darteed qiimaha ay culimadu leeyihiin baan kusoo dhaweynayaa, waanan ku qaddarinayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada ugu baaqay inay bulshada ka waaniyaan cid kasta oo fikir qalloocan iyo fidmo faafinaysa, waqtina geliyaan midnimada bulshada, adkaynta ammaanka iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories