Home"Kuwa leh dawladdo shisheeye ayaa Somaliland cunaqabatayn ku soo rogaya waa cadow...

“Kuwa leh dawladdo shisheeye ayaa Somaliland cunaqabatayn ku soo rogaya waa cadow aan shuruucda caalamkaba aqoon” Xil. Siciid Maxamed Cilmi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
ah loogula dul dhacay Qaranka iyo madaxda Jamhuuriyadeena Somaliland.Waxaan ku arkay saxaafadda war ku saabsan laba qof oo ‘qurbe-ku-raag’ ah oo sheegatay inay dalal shisheeye u dacwoodeen iyagoo, siday sheegteena, ashkateeyey [dacweeyey] dawladda iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo, xitaa, dad rayid ahba. Waxay tiriyeen dad isku beel ah oo Madaxda Somaliland ka mid ah!…Waxay isku soo sawireen iyagoo gabdho caddaan ah [oo aan madaxdii la yaqaaney ahayn] isku soo boodaya, oo garab-garabka ugu xoqaya, oo kaga qoslinaya….Ogow waa maalin ramadaan, ficilada qaarkoodna ma bannaana…Ma bannaana in been la dhoobdhoobo oo laga dhigto borobogaande….La yaabi maayo oo beryahan dhaqan bay noqotay in war laga dhigto cayda iyo beenta…In ninba ninka uu ka hadal xunyahay TVyada la soo fadhiisiyo oo ‘waqiga lagu buuxsado’…Waxayse inamadani moogyihiin dadka ay la hadlayaan iyo kuwa ay ka hadlayaanba inay ku jiraan aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin oo aan shugux-shugux lagu didin karin loona afmiishaarayn karin.. Sidoo kale, waxaanay ogeyn in shacabku ka daalay, kana ilbaxay, ‘turufatoorenimada’ ay dibedjoogga qaarkii hore ugu macaasheen ee aan dhaafsiisnayn caddaan-isla-sawirka, fayl-madhan-la-humbaaleynta, ma-i-daawateenta hablaha iyo i-arkaay i-maqlaayda muuqaalka guud ah. Anigu ma tegin qurbaha laga sheekeeyo [umana baahni], balse war aan dheegtey waxaan ku hayaa ragga buurbuuran ee hadalka badan ee TVyada soo fadhiya, inta badanna Ingiriiska ka soo hadlaa, inay u badanyihiin digdiglayaal aan shaqaba tegin, qoysaskoodii gabay, iskana xafladeeya. Ma garanayo halka ay kooxdani kaga jiraan nolosha iyo dhaqdhaqaaqa dadkeena ee qurbaha, iyo bal inay kuwaas aan soo sheegay oo kale yihiin, balse waxaa marag madoon ah inay ahaayeen rag aan war badan hayn, danna ka lahayn qaranka iyo bisha barakaysan midnaba. Marka koowaad, qarankan dhibaatadiisa dad ka damqanaya maaha, dad ehel iyo casabad xeerinayana maaha waayo cunaqabataynta beenta ah ee ay sheegteen haddii ay dhici lahayd ma cid bay gaar ula xawaarayn lahayd, miyaanay dadka wada gaadheen. Nimankaas ku baanaya inay Ingiriiska ka baryayaan in la cunaqabateeyo Somaliland miyaanay hooyadood, aabohood, walaaladood iyo wasiirtoodba wada saamayseen. Haddii ay ‘gaag-ma-reeba’da ay Alle inooga baryeen dhici lahayd xaggee ayay eheladooda kaga badbaadin lahaayeen ibtilada ka dhalata. Miyaanuu kun jeer ka caqli badnayn ninkii geeljiraha ahaa ee hees hawleedka kula hadlay wiilkii geela la joogey ee, sidan oo kale, beeshiisii u saadiyey in abaari dhacdo oo dhulkaba baad iyo biyo laga waayo. Waakii wiilka ku lahaa isagoo tilmaamaya ceelasha ‘Herer’ iyo ‘Halleeya’ oo Hargeysa ku yaalley:

Haduu ‘Herer’ dumo,

‘Halleeyana’ gudho,

uu hadhyare-qudhac

hoosta ka engago,

ooy hareerida

hablo diirtaan,

oo higlada bari

libaaxu hadhgalo,

adaa hoogaye,

xageed hadh u dayan.

Marka labaad, liiska madaxda ay aflagaadeynayeen markii aan eegay waxaa iiga dhadhamay dhosog halis ku ah wada noolaanshaha shacabkeena. Waxay bartilmaameedsadeen madax reer Somaliland ah oo hal degaan ka soo wada jeedda!!! Waxaa muuqata in la doonayo in la sameeyo dacaayad lagu kala dilo bulshadeena ka soo doogtey colaado sokeeye oo beelaysan. Waa aragti gaaban oo ku gaar ah raggan qurbajoogga ah. Waa mid ay ka koreen kana soo waayo-arkeen shacabkeenu. Waxaan leeyahay ‘habaarkiinu hareeraha’. Ilaahay kama dhigi doono dhagarta aad la jeceleysateen dalka, dadka iyo madaxda J. Somaliland.

Ummadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aan dheg loo jalaqsiin sheeko-xumada iyo borobogaandaha beenta ah ee qurbojoogga qaarkii, waxaana ilaahay inooga baryayaa in Soonkeenu noqdo kii la inaga aqbalo, la inooguna dembi dhaafo.

 

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=159308#sthash.IQLxZrxA.dpuf

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories