HomeKursigooow fadhigaagu macaanaa, ka kacaaguna adagaa!

Kursigooow fadhigaagu macaanaa, ka kacaaguna adagaa!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Masuul marka uu xilka hayona qaranka amaana wanaagiisa sheega , marka xilka laga qaadan qaranka aflagaado cay iyo canbaarayn dusha u saara waligii kob cagaar leh kamasoo durduriyo, bulshadana harumar uma hor seedo, hankiisuna qaylo iyo hunguri ma dhaafo.

Bal u fiirsoo 90% dadka sheeganaaya masuuliyada ee ka dhex muuqda ururada siyaasiga waxay hore u ahaayeen masuuliin xilal ka soo qabtay maamulka haatan jira iyo kuwii ka horeeyayba dhamaantood kasoo heli maysid hal masuul oo sheegay dhaliil ay dawladu leedahay isagoo xil ka haya dawlada.

Su’aalaha iswaydiinta leh ayaa ah,
Ma masuuliyiintaa falnaa markay xilka hayeen oo imikay indhuhu u furmeen?
Ma dhaliishaa imika soo baxday oon markii hore jirin?
Ma danahoodii shaqsi ahaaneed ayay dawladu ka hor istaagtay?
Ma bulshadaa wax ma garato u badan oo caqligeedaan garan karayn in uu masuulkani yahay kii shalay amaanta iyo hambalyada badan u hayay dawlada?
Mise anigaa is moodsiiyay si kastaaba badane?

Ninbaa laga hayay (AHUN) “qiiraa xamar idin gaysay, imikana qiiraa idinka keentay, intay qiiradaasi idin wadana horumar gaadhi maysaan”.

1990-kii ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2015-kii ayaa shaashada iyo warbaahinta ay ka muuqdaan siyaasiyiin xilal ka haya dawlada hadba wakhtigaa jirta, iyo kuwo kale oo mucaarid isku sheeg ah oo badankooda laga xayuubiyay xilalkii ay hore u hayeen, xil ka xayuubintaas oo loo cuskaday inay gudan waayeen xilalkooda shaqo iyo wajibaadkoodii shaqo.

Hadaba masuuliyiin gudan waayay waajibaadkoodii shaqo oo la eryay maaha dawladani tii u horaysay ee xilka ka erida masuul gudan waayay shaqadiisa qaranku u igmaday, mana aha markii u horeysay ee masuulkii la eryaaba uu ku biiray xusbiyada mucaaridka ah, kadibna uu kor iyo hoos u sheegay dhaliil iyo dacaayad aan jirin markii uu xilka ka hayay dawlada.

Caqliga fayow ee umada, da’yarta aqoonta leh, dad garashada allah ku manaystay ayaa dhamaantood dareensan inaysan wanaag u wadin, dan guud ka talinay, horumarna doonayn masuul kazoo bixi waayay waajibaadkiisa shaqo markuu xilka hayay, hadaba bulshada waxaan u gudbinayaa inay ka feejignaadaan iskana hubiyaan hadalada meel ka dhaca iyo qadafka ku ah garashadooda ee loo marinaayo warbaahinta ee lagu yool habaabinaayo marinkooda toosan ee ay ku hiigsanayaan tubta horumarineed.

Bulshadu ha garato cida ay dantu ugu jirto ee ku hagi doonta hilinka toosan iyo guri barwaaqo ay ku nastaan kuna nagaadaan kagana raystaan rafaadka iyo rakaadka ku yimi geedi u socodkii horumarkii ay dhiig iyo maalba u waayeen.

Qore: axmed naasir
axmed.naasiir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories