HomeKUMAA QALDAN!? - W/Q: C/Raxmaan C/Laahi Wirdaani

KUMAA QALDAN!? – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi Wirdaani

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Maalintu waa khamiis 14-maaris, markii aan soo raacay bas ka imanayey suuqa hoose ee magaalada hargeysa, meel dhexe ayaan ka fadhiistey, sida ay caadadu tahay waxa la sugaa intuu basku buuxsamayo, baskii wuu buuxsamey wuxuuna bilaabay inuu dhaqaaqo, dadka caado waxa u ah markey meel iskugu yimaadaan sheekooyin ayaa dhex mara, hadaba dadkii basaka ila fuushanaa sheekadana ayaa dhex martey.
Basku wuu camiranyahay, sheekadda dadku hayaana waxaad moodaa inay cid diidanyihiin, gabadh aan markaa ku qiyaasey 40jir ayaa si cadho ka muuqato u eedeysay dowlada, dadkii baska fuushanaa ayaa bilaabey iney lafo guraan sheekada gabagdhu keentey, ogsoonow baska dhalinyaro ayaa ubadneyd, qaar ka mid ah ayaa si caadifadi ka muuqato ugu raacey gabadhii, dhaleceynta dawlada loo jeedinayaa mayara, dooduna dhinac ayey ujanjeedhaa, in diidani way jirta lakiin goobta kuma badana, cabashadii gabadhu keentay meesha waxay aheyd mid ay ka sinaayeen bahdii baska fuushaneyd, waxay rabeen waxay dooneyeen oo aaney helin, mana dareensana iney ku qaldameen doorashadoodi maankan kuma hayaan qaladkey galeen.
Iyadoo arinku halkaas mareyo baskan dooda adagi ka taagantahay ayaan aniguna gaarkey u mashquuley waxaan maankeyga ku soo dhacadeya dadku sidey ahaayen 28-nov-2012 oo ahayd maalintii doorashad goleyaasha deeganka somaliland, ana waxaan ahaa mid ka mid ah muraaqibintii ka howl galeysey goobaha doorashada ee magaalad hargeysa , waan soo kalahay si aan shaqadeyda u bilaabo waxaanan imid goobtii aan ku qornaa oo ahayd khariyada magalada hargeysa, waxan goobta ugu imid dadki oo iga soo horeyey waxan isweydiiyey dadkani ma xaley ayey meesha udhaxeen, dabeedna gabadh ayaan su’aaley goormaad goobta timid? waxay ay igu jawaabtey xaley afartii ayaan safka galey, anoo yaaban ayaan ka dhaqaaqey goobtiban gudah u galey, codeyntii ayaa bilaabantey dadku wey faro badanaayen goobtuna mashquulbey aheyd min toddobadii subaxnimo ilaaa lixdii galabnimo, intey shaqadu socotey dhaayahaygu may qaban qof musharax ku dooraneya wax qabad iyo howl karnimo taa waxaa ka darneyd waayeelka ayaaba sitey kaadh uu ku xardhanaayeen musharaxa adeerka u ahaa, ismaney waydiineyn ahmiyada ay uleedahay codeyntu mustaqbalkooda.
Akhriste adba waad garan ka qaldan, kumey dooran waxqabad,kumey dooran daacadnimo, howlkarnimo cadaalad iyo sinaan lakiin waxay ku doorteen qabyaalad lixdankii laga gabyey oo la sheegay xumaanteeda , abwaan c/laahi suldaan. Timacadena lahaa (dugsi maleh qabyaaladi waxey dumiso mooyaane) iyagaana u gartey iney qaloociyaan, takasii darani waxa weeyi iyagoon maantana garaneyn in arinku gacmahooga ka maroorsamey, isna weydiinayn kuwa danbe sidaynu u hagaajinaa.

Ogsoonaw ka qaldamey waa adi, hadana manta leh muxuu hebel sidaa usameeyey, miyaanad ogeyn inuu arinkuba ku xidhnaa qalinkii aad ku calaamadisay, laakiin Malaga yaabaa inaad bari ku dhacdo qaldkii aad shalay ku dhacday, alle kaama yeele, muwaadin tani wey ku dhaaftey ee ta soo socota ka fikir, dariiqa wacana rabi ha’ina garansiiyo, waxaan kugu dhaafi qaladku wuu dhacaa laakiin waxa haboon inaad garatid qaladkaad gashay, si aad ka danbe usaxdid insha allaah.

Wirdaani@yahoo.com
Alpha university
Hargeisa somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories