Home“Kulmiye wuxuu burburinayaa nidaamkii geedi socodka dimuqraadiyada ee dalkani lahaa” Xildhibaan Buubaa

“Kulmiye wuxuu burburinayaa nidaamkii geedi socodka dimuqraadiyada ee dalkani lahaa” Xildhibaan Buubaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku eedeeyay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye inuu sabab u yahay dibu dhaca doorashada, isla markaana masuuliyiintiisu ay doonayaan kordhin ka badan go’aankii komishanka.Buubaa-1

Xildhibaan Buubaa ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye masuuliyiintiisu kaga baxeen go’aan ay u dhamaayeen saddexda xisbi qaran, kaasoo ahaa in doorashada lagu qabto waqtiga ay komishanku cayimeen.

Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlayay xarunta golaha wakiillada waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinku waxay heshiis ku ahaayeen in 1-da June 2016 lagu qabto doorashada, xisbiyada mucaaradka haddaanu nahay arrintaa tanaasul badan baanu ka samaynay oo sannad baanu aqbalnay, bilaa shuruud ah, sababta aanu u aqbalaynayna waxay ahayd dadkayaga iyo dalkayaga iyo hanaanka dimuqraadiyadeed iyo hanaanka dawladnimo oo aanu ilaalinaynay, markii masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay la kulmeen guurtida waxay soo bandhigeen wixii ay caloosha ku qarsanayeen waxay soo bandhigeen wixii ay ummadda beenta uga sheegayeen ee ay lahaayeen anagu waxaanu doonaynaa inay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, waananu cambaaranaynaynaa, waxa uu saxaafadda u sheegay Maxamed Kaahin in labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiillada ee isa saarani ay tahay wax inagu cusub, in xeerkii wakiillada lagu soo dooran lahaa iyo inaan xildhibaannadii gobollada kazoo bixi lahaa aan heshiis lagu ahayn. Sidaas darteed waqtigaa komishanku doorashooyinka u qabtay aan lagu qaban karayn, waxaanu ka baxay mawqifkii uu labada xisbi mucaarad la qaatay.”

Afhayeenka xisbiga Waddani waxa kale oo in xisbiga Kulmiye doonayo inay burburiyaan hanaanka dimuqraadiyaddeed ee ka hanaqaaday Somaliland.  “Waxa caddaatay oo marag ma doon ah in siqsiqa aad siqaysaan ay tahay ujeedadeedu inaanay doorasho dalkan ka dhacdaa inaanay jirin, Kulmiye ahaan waxaad doonaysaan inaad burburisaan nidaamkii geedi socodka dimuqraadiyada ee dalkani lahaa.” ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories