HomeKulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe...

Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormada 9aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Waxba yaan isha la isku guban, ummaddani waa ay ka soo daashay been la isku maaweeliyo e’. Hana u qaadanina inaanu niyad-jabsan nahay. Haa waanu ka xun nahay waxyaabaha dhacaya. Bal se waxaanu taagan nahay halkii Macallin Gaarriye kaga lahaa maansadiisii Gar-naqsi ee 1983kii:

“Geeddiga hakaday,

 Wuu gaabiyee,

 Uma noqon gadaal,”  

Kaasina waa nabar.Anngaa yaab aragnay!

Halkaa markii xaal-marayay ayay Guddidii Diiwaan-gelinta oo ogeysiin ka heshay Go’aankii Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye soo saartay oo iyaduna warqad qortay ay go’aankaa iyo soo-jeedintii Madaxweynaha ku taageerayso, oo Shirweynaha Kulmiye lagu beegayo Bisha Diisambar ee 2013ka. Guddida Diiwaan-gelinta qoraalkeeda ma aan arag ee war-baahinta ayaa ka hadlaysay.

Arrintii oo sidaas isugu cayn iyo beydba go’an ayaa la isla huluulanayaa Madaxtooyada. Cidi uma maqnayn xisbiga Kulmiye, ceelna uma qodnayn. Kulankaa waxyabihii ka dhacay iyo sidii uu hadalku u taag-taagnaa, ama faraha la isugu fiiqay waxba isku hawli maayo. Waa sheeko mahadho reebtay oo maalmahanba lagu hadal-hayay: war-baahinta, mefrishyada, makhaayadaha, seyladaha, basaska iyo meel kasta oo dadku isugu yimaaddaba. Aniga oo aan xaqireyn been ku hadli maayo, haddii aan idhaahdo dumarka ayaa aroosyada, diiqooyinka iyo xafladaha fartan-baxaba kaga sheekaysanayay.

Sheekadu waxay gaadhay heerarkii ay ka faalloonaysay maansadii ‘Dallaalimo’ ee 1983kii ee Hadraawi, markii uu lahaa:

“Idin kaa na daba-guray,

 Idin kaa na dagi jiray,

 Idin kaa na dili jiray,”

Iyo wax la mid ah.

Shirweynaha Kulmiye sidee ayuu ku qabsoomayaa? Waa arrin u baahan furdaamin iyo ka-talinba. Looga-qaateenka xisbiga Kulmiye, madaxda qaar ka mid ah iyo xubno Golaha Dhexe ka tirsaniba waxay rumaysan yihiin in Qodobka 28aad ee Dastuurka Kulmiye mar hore la adeegsaday oo Shirweynaha dib loo dhigay. Waxay intaa ku darayaan in aanu Kal-fadhi Golaha Dhexe loo qabtaa arrintan xal u helin karin awoodna aanu u lahayn.

Sidaa ay tahay, ayuu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isaguna soo saaray qoraal uu kal-fadhiga Golaha Dhexe ku muddeynayo in uu bisha Abriil qabsoomi doono. Qoraallada soo baxaya iyo waxa laga qorayaa intaa kuma koobna e’, xataa Wasiirradii ayaan ka maqnayn oo olole daalacan iyo mid dedanba ku jira oo aad war-baahintii ka daalacanaysaa iyaga oo is-eryanaya. Ma maqli jirteen: “Ma annagaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa?” Alleylehe waa tan oo kale.

Dadkan madax iyo minjaba lihi miyaanay xisbi Kulmiye la yidhaahdo ku wada jirin? Miyaanay isu iman karayn? Madaxweynahan calanka Kulmiye ku soo baxay miyaanu dadkan kala hadlaya isugu yeedhi karin oo aanu talo iyo tilmaanba siin karin? Ma sidan ayaa dal iyo dadba loogu talinayaa? Miyaanay ka horreyn in marka hore xisbiga arrimihiisa laga taliyo? Dadka intaa maareyn kari waayay, sidee ayay dawlad Dhexe iyo dawlad Hooseba uga talinayaan?

Malaha waan idin daaliyay ee aan ku soo dhawaado gunaanadkayga iyo gebagebada sheekada. Si aynu isula jaan-qaadno aynu dhowr dhaabadood halkan dhiganno:

  1. Shirweynaha xisbiga Kulmiye shantii sannadoodba mar ayaa la qabtaa,
  2. Hawlaha iyo arrimaha xisbiga Kulmiye ka-talintooda waxa loo raacayaa oo keliya Dastuurkooda,
  3. Maareynta hawlaha xisbiga Kulmiye waxa iska leh inta uu dastuurku awoodda u siinayo,
  4. Shirweynaha xisbiga Kulmiye waxa muddo sannad ah dib u dhigi kara Golaha Dhexe haddii ay yimaaddaan duruufo sidaa yeedhinayaa,
  5. Guddida Diiwaan-gelintu xisbiyada ayay ku ilaalisaa in ay ku dhaqmaan dimuqraadiyadda iyo xeerarka ay dhigteen, shahaadadaha xisbinnimo iyada ayaa bixisa isla markaana la noqon karta. Sidaas ayay ku tahay hay’ad garsoor oo qaran,

Intaa iyo in badan oo kale haddii aynu isla meel dhignay, bal hadda aan Shirweynahan xisbiga Kulmiye ee jaho-wareerka dhaliyay u nimaadno. Reer Kulmiye waxaad ka maqlaysaa shirka Golaha Dhexe iyo Shirweynaha, bal se baadi-sooc ma raaciyaan. Wuxu miyaanu tirsiyo iyo summado lagu kala sooco lahayn. Ma kuwii koowaad baa, ma labaad baa, ma saddexaad baa mise xaalku waa tiro ma leh.

Laba kama dhexeyso:

  1. In Shirweynihii xisbiga Kulmiye kal hore Golaha Dhexe muddo sannad ah dib u dhigay oo muddadii kala-guurka Shirweynayaasha Kulmiye ku dhammaanayso 31/3/2013ka,
  2. In dibudhiggaasi been yahay sidaa darteedna kala-guurkii Shirweynayaasha Kulmiye ku dhammaaday 31/3/2012kii,

Labadan door-bid kii aad qaadataba kala-guurkii Shirweynayaasha xisbiga Kulmiye waa gabaabsi. Haddii aan qaldanahay iyada oo aan la xanaaqin isla markaana la I hiifin oo aan hoosta la iga higgaadin, cidda murmaysaa ra’yigeeda ha u soo bandhigto dadweynaha.

Bal hadda aan giraanta taariikhda dib u duubno oo ku noqonno Jabhaddii SNM. Aynu is-weydiinno sidii ay SNM saaxadda siyaasadeed kaga baxday. Bishii Maarj 31kii 1990kii ayuu Balli-gubadle ku qabsoomay Shirweynihii 6aad ee SNM. Berigaa muddada kala-guurka Shirweynayaasha SNM waxay ahayd saddex sannadood. Sidaa darteed wuxu dastuurka SNM ahaa in Shirweynaha 7aad la qabto bisha Meey, 1993kii. Shirweynahaa 6aad markii uu furmay 31kii Maarj, 1990kii, wuxu xidhmay 28kii Abriil 1990kii. Run ahaantii Shirweynuhu wuxu socday ilaa 14kii Abriil, 1990kii maalintaas oo la doortay Guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii SNM oo kala ahaa Cabdiraxmaan Tuur iyo Xasan Ciise Jaamac. 14/4/90kii ilaa 28/4/90kii waxa lagu hawlanaa doorashadii Golaha Dhexe oo wada-tashigeedii dheeraaday.

SNM 1993kii halkii ay iskaga hawli lahayd qabashada Shirweynihii 7aad ee SNM oo ku beegnaa Meey 1993kii, waxay ku milantay oo ay ka dhex ololeynaysay Shirweynihii Guurtida ee Boorame. Guurtidu waxay heshay fooggo bannaanaatay waanay ka faa’iidaysatay dal iyo dadna waa ay badbaadisay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo intii waagaa ka adeegtay. Shirweynahaasi 7aad markii uu qabsoomi waayay, SNM saaxaddii siyaasadda iyo hoggaamintii dalka waa ay ka baxday. Si wanaagsanna waa ay yeeshay oo ilaa maantada aynu joogno hadal iyo hugun midna lagama maqal.

Maah-maahdaa ahayd: “Nin la tolay, talo joogtaa.” Maanta waxay taagan tahay xisbigii Kulmiye. Hore ayaan u sheegay oo xisbiyadii waxay eedeen oo dagaaleen Madaxtooyo iyo Wasiirro laba-eefka ku mamay oo xisbi iyo xukuumadba sheeganaya.

Dadku waxay u haystaan in xisbigii UDUB uu beri dhaweyd dhintay. Xaasha! Shaluu go’ay ma maqli jirteen. UDUB wuxu saaxadda ka baxay Daahir Ra’yaale Kaahin oo Madaxweyne ah. Maaliniba, maalin ka tilmaaman e’ waa maalintii ay Shirweynaha Hotel Maansoor ku qabsadeen ee ay yidhaahdeen xubnaha Golaha Dhexe Guddoomiyaha ayaa soo xulaya. Waa waxaan nolosha xisbiyada siyaasadeed ee adduunka hore u soo marin, malahayga dibna aan loo arkayn.

Su’aasha Miliniyamku waxay u taallaa Guddida Diiwaan-gelinta waxaanay tahay:

Wixii ka danbeeya 31/3/2013ka sharciyadda xisbinnimo ee Kulmiye ma sugan tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, daliilkeeda sharciyeed waa maxay iyada oo la raacayo Dastuurka xisbiga Kulmiye?

Aan taxanahaygii koobnaa ku soo xidho in aan sidaa uga fogayn cinwaankii aynu maalmahanba akhriyaynay oo ‘Kaafka’ ka higgaadsho:

Kulmiye in uu karay la iskuma haysto. Ma kabmin mana korin, in uu kadmana waa ay u badan tahay, waa se loo kitaab-furi.

Ugu danbeynna waxaan idiin ka mahad-celinayaa waqtiga iyo dareenka aad qormooyinkan siiseen. Waxa la yidhi: “Fule xantii ma mooga.” Qoraalka oo keliya kuma aan ekeyne, dareennadiinnana waan la socday. Intiinnii I dhalliishay iyo intii ii rixisayba waan u mahad-celinayaa.

 

Waa inoo Qormooyin danbe oo xiiso leh. Waa inoo goorteed iyo goobteed, kubbaddiina waxay ku wareegtay siidhi-walaha oo ah Guddida Diiwaan-gelinta.

 

Dhammaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories