HomeKulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? - Qalinka Boobe...

Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormada 1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kulmiye‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin…….Si aynaan tubta toosan uga lumin waa aynu is-tilmaamaynaa is-na toosinaynaa.

Maantana toddobku wuxu ka dul hoorayaa Xisbi aynu tirsanaynay oo tubtii kuwii hore ku tawalleeyeen isaguna taayirradii la helay: In taako loo dhigi……in uu taraar-dhaafkaa ku tegi……iyo in tunkiisa iyo tafeenihiisaba taababka laga buuxsan, waa tu’ Alle ku maqan. Tabantaabada Eebbena waa mid inoo taal oo aynaan ka tagganayn. Tafaafuli meyno e’ dabka ayaa fooxa loogu tuuri, tusbaxaa la rogi, ha tegin e’ nala taagnowda ayaa la badin, kuwa toocsanaya ee Taajka aan hortood-jiraba mahadin taakada ugu dhigaya ee ulaha boocda ah tukubayana, tookha beenta ah weynu ka tumi, waynu ka toobi oo tuurrin baa looga qori, haddii aynaan toocsanba.

Tusmo ma aha sheekadu iyo ‘Tol waa tolane’. Dalku tuu lahaa iyo tusmadiisii baa dagan. Tu’ aynu leenahay oo aynu ku tacabnay oo toogasho ugu badheedhnay iyo tu’ la inagu tallaalayo oo ‘Tusbaxlay-tammuujadley (Baastoolad)’ ah ayaa isku takhlan oo in la kala tuuro u baahan. Tusmo-habaabi meynno e’ teenna ayaynu ku tirsanaynaa oo ta aynaan geyin waa aynu ka tallaabsanaynaa. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Shahiid Maxamed Mooge Liibaan ayaa ereyadaa ‘Tusbaxley iyo tammuujadley’, halhays u lahaan jiray beryo aanu magaalada Harar ee Itoobiya wada joognay oo ku beegnayd Juulay, 1983kii. Hore ayaynu u ogeyn in abwaannada iyo hal-abuurkuba tuf leeyihiin oo wax badan looga soo joogay. Beryahaa uu Maxamed Mooge Liibaan hal-hayskaa ku cel-celin jiray laba ayay kala ahayeen ‘Tusbaxleyda iyo Tammuujadleydu’. Maanta se Tusbaxii ayay Tammuujaddiina raacday. Bal adba!

Hoobalkii Maxamed Moogena, dadba waa uu ka sii xag-jiray oo hibooyin badan oo curineed ayuu Ilaahay ku mannaystay. Bal haddii uu maanta joogi lahaana, muxuu odhan lahaa. Ma is-tidhaahdeen heesaagii Maxamed Mooge Liibaan dhowr laambadood ayuu lahaa.

Si aynaan u kala amban, aynaan u kala hadhin ama isuba fahmi waayin, aan idiin qodobbeeyo sheekada. Waa taxane…..ha ahaado e’ waa mid gaaban oo aan sidaa u sii dheerayn, si aydaan ii hiifin.

Wuxu taxanahani daarran yahay ama ku saabsan yahayba, haddii aan jilciyo:

  • Tagtadii iyo taariikhdii xisbiyadeennii hore ee lixdannadii oo kooban,
  • Dul-joogsi SNM: Dulucdii, dedaalkii, dagaalkii, duuggeedii danbe iyo diga-rogashadeedu waxay noqon karaysay,
  • Burburka joogtoobay ee xisbiyadeenna maxaa u sabab ah?
  • Adduunyadu sida ay xisbiyada u taqaan iyo xil-gudashadooda,
  • Aragtida aynu xisbiyada ka haysanno iyo sida aynu innagu ugu hawl-gallo,
  • Waayaha xisbiga Kulmiye ee maanta aloosan ama taaganba: waxa dhici kara iyo sida looga badbaadi karo,
  • Gunaanadka sheekada,

Haa……Ma hurdaan ka toosay mise waan hadrayaa. Hantaaq iyo hadimo aan dhammaanayn. Maxaa xisbiyo, Jabhado iyo ururro iga foos-bururay. Ma SNL (Somali National League), USP (United Somali Party) iyo NUF (National United Front) ayaan cidi is-weydiin. Hadda dibad loogama iman ee iyaga ayaa is-maax-dumiyay; Xamarba loogama horreyn. Ilaahay hortii in aanay sannado badan joogin markii ay SYL ku milmeen, ee ay xataa iyadii qudheedii, sida haddaba aawan mar-la-arag iyo doorasho-soo-bax noqotay. Xisbiyadii lixdankii xornimada dhaliyay waxay ahaayeen xisbiyo dhab ah. Xataa markii ay baaba’een ee ay saaxadda ka baxeen kuwii beddelay, waxaynu ka soo qaadan karnaa Somali Democratic Union (SDU) iyo Somali National Congress (SNC) oo labaduba ka dambeeyay 1960kii.

Xisbiyadaasi markii hore ee ay samaysmayeen, waxay ku bilaabmeen ururro. Laba tusaale oo nool ayaynu soo qaadan karnaa. Somaliland haddii aynu ku horreyno, xisbiyadu waxay ku bilaabmeen ururro samo-fal. Intii aanay SNL samaysmin, ka hor waxa magaalada Burco ka dhisnaa urur bulsho oo la odhan jiray Somali National Society (SNS) oo markii danbe u digo-roganaya SNL.

Marka aynu u leexanno Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysan jiray, xisbiyadu waxay ku bilaabmeen urur dhallinyaro oo la odhan jiray Somali Youth Club (SYC). Ururkaas dhallinyarada ayaa isaguna markii danbe u digo-roganaya Somali Youth League ama SYL. Bal hadda u fiirsada labadaa dal ee Soomaaliyeed sida ay wax uga bilaabmeen oo ahayd: Markii hore “Club iyo Society”, mar labaadkii labada dhinacba “League”, mar saddexaadkiina Xisbiyo siyaasadeed. Sidaas ayaa loo il-baxayay ama digo-rogashada siyaasadeed ay u dhacaysay.

Dhallinyarada maanta joogtaa si ay u fahamto ereyga ‘League’, waxay tusaale u soo qaadan karaan Naadiyada ciyaarta kubbadda ee ay waqtigoodii inta badan siiyeen: Mar ay ciyaaraan, mar ay daawadaan, mar ay akhriyaan iyo mar ay fagaarayaasha kaga sheekaystaan oo ay ku murmaan, haddii aanay mararka qaarkood taageeradooda iskuba faro saarin. Miyaanay taasi godob ahayn ay nolosha inteedii kale ka galeen? Waqtigaba sow in nolosha loo qaybiyo ma aha? Miyaanay taasi eex ahayn. Yaanu ila fogaan mowduucu, barbaartana yaannaan meesha isku seegin oo aanay u qaadan in aan jinsigooda kale uga eexanayo. Iyaguba dhalliishooda leh oo abuurta Eebbe in la nakhtiimo oo la yidhaahdo waa la beddelayaa la qurxinayaa, iyaduba waa dhagar mudan in laga toobbad keeno. Ilaahay ha ina soo hadeeyo dhammaanteen, idinkuna aammiinta igu dara.

Ma lagaa in ay barbaartuba xanaaqdo oo ay maqaalkaba tuuraan. Laakiin, taasi nagama dhexayso.

Ururradaa bulshannimada ama dhallinyaranimada ku bilaabmay ayaa siyaasad ku dambeeyay oo markii hore “League” loo adeegsaday, markii danbena erey laga soo ammaanaystay afka carbeed oo ah ‘Xisbi’.

Waxa xusid mudan in markii ugu horreysay ereyga ‘Jabhad’ la adeegsaday 1955kii, beryihii Ingiriisku dal-sanka ‘Hawd & Reserve Area’ ku wareejiyay Itoobiya iyada oo aan dadka Soomaaliyeed laga talo-gelin. Maalmahaas ayaa la sameeyay ‘National United Front’ ama Jabhaddii Waddaniga ahayd ee Mideysneyd oo loo soo gaabsan jiray ‘NUF’.Dadka qaarkii waxay odhan jireenba ‘Nafta’. Jabhadna, markaas ayaa inoogu horreysay. Ma mooddaan in aynu qaxa iyo dibad-joogga berigaaba saadsanayay. Tu’ walba ka yaab.

 Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.comwww.dharaaro.com

(La soco………………………………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories