HomeKulmiye Wuu Gudbey, Weli Se Ma Guulaysan!

Kulmiye Wuu Gudbey, Weli Se Ma Guulaysan!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Noloshaa wada imtixaan ah. Haddii aad mid ka gudubto, mid kalaa albaabka kugu garaacaya oo ku hor yuuban.

In Xisbiga Kulmiye ka gudbey imtixaan horyaalley ayaa  u cad sidii cir aan caad lahayn. Imtixaan kalaa se horyaalla. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) na in uu dhitadii iyo dhaxalkii  sooyaal ee magaciisa meel u dayey oo hagoog u sameeyay ayaan ka marag kacayaa, inuu se hadh-dho san u yeelo hal meeris baa uga dhiman.

 

In Kulmiye imtixaan ka gudbey iyo in Axmed siilaanyo tis oodeed oo culus kor u qaaday oo meel ku tiirshey, waxa labada ba, hoosta ka xarriiqay oo far waaweyn ku qoray  qabsoomiddii shirweynihii  xisbiga Kulmiye golihiisa dhexe yeeshay 10/11/2015 iyo natiijooyinkii ka soo baxay.

Dad badani waxa ay ka yamxeerinayeen oo quuddarraynayeen in shirka Xisbiga Kulmiye ku keeni doono burbur iyo kala yaac u dhigma khilaafkii UDUB shan sannadood ka hor saaxadda siyaasadda ka saaray ee burburiyey.

 

Alle yamxeerintaas run kama uu yeelin oo golihii dhexe wuu shiray. Intii ugu badnayd xubnihii golaha dhexe (ka badan 90%) ayaa shirka soo xaadirtay. Waxa si aqlabiyad ah loo ansaxiyey murrashaxa jagada madaxweynennimo ee Xisbiga Kulmiye ee doorashada 2017, Muuse Biixi Cabdi, oo ay murrashaxnimadiisa sharciyeeyeen 344 xubnood oo ka mid ah 373 ergey ee shirweynuhu. Waxa kale oo cod aqlabiyad ah jagada murrashaxa madaxweyne ku xigeennimo ugu soo baxay madaxweyne ku xigeenka hadda Cabdiraxmaan Cabdillaahi  (Saylici) oo jagadaas kaga adkaaday wasiirka caafimaad Dr Saleebaan Ciise (Xaglotoosiye).

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu ku suntamay madaxweynihii ugu horreeyey ee qaranka Somaliland oo isaga xilka haya, xaq na u leh in uu isa soo rashaxo mar labaad, sida dhayda caanaha u caddeeyey, in aannu mar kale jagadaas isu soo taagi doonin oo uu uga hadhay ragga ay siyaasadda ku wada jireen, taas oo Axmed Siilaanyo loogu sadburin karo marka la eego madaxda Afrikaanka ee xukunka aan ka degin illaa ay ku dul dhintaan oo qasriga maydkiisa laga soo jiido  ama xoogga lagaga fara maroojiyo ee talada laga tuuro.

Labadaas dhacdo ee natiijadii shirka Kulmiye, waxa ay habka geeddi-socodka dimoqraaddiyadda curdinka ah ee Somaliland gelin karaan dardar cusub, waxanay shiidaal u noqon karaan in habkaasi sii dhiirrado, is na sii qorqoro oo gudihiisa ku sixi karo wixii khaladaad ah ee soo if baxay, wax na laga baran karo.

 

Labadaas dhacdo ee togan waxa dhinac yaalla laba cuyuban oo kale oo ku xisaabtan u baahan oo mid na Kulmiye u taallo xisbi ahaan, mid na Axmed Siilaanyo  hoggaamiye ahaan:

 

  1. Xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisa, gaar ahaan murrashaxiintiisa, waxa u yaalla hawl ballaadhan oo ku saabsan xisbiga dib u habaynta iyo dhiskiisa, midnimada iyo wada jirkiisa iyo u diyaar garowga doorashooyinka soo foolka leh oo noqon doono doorashooyin aan teello la isu dhigan, oo darka ceelka, sidii lo’ harraaddan, la isu garbin doono. Ta ugu muhiimsan ee hadda darayga ahi na waa xallinta wixii khilaafaad ah ee bilihii u dambeeyey xisbiga dhexdiisa ka oognaa ee ku saabsanaa qabashada shirweynaha iyo tartankii lagu kala calafka qaaday ee murraxashiixinta.

 

  1. Axmed Siilaanyo, waxa horyaalla in uu xoojiyo xukuumaddiisa inta wakhtiga uga hadhay, si wanaagsan na u sii geeddi geliyo xil gudashada habsami u socodkeeda iyo ilaalinta kala dambaynta, degganaanta siyaasadeed iyo diyaarinta habraacyadii lagu qaban lahaa doorasho xor iyo xalaalinnimo ugu dhow, iyada oo taas xukuumaddu kala shaqaynaysa axsaabta siyaasadda,  guddida doorashada iyo hay’adaha kale ee ay doorashadu khusayso.

Dhaxalka Axmed Siilaanyo iyo sooyaalkiisa, waxa guushiisu tiigsanaysaa doorashadaas 2017 iyo sida ay u dhacdo natiijo ahaan ee xukuumaddiisu uga soo soo dhalaasho, xilkana ugu wareejiso xukuumadda dhaxlaysa.

 

Somaliland waxa ay Soomaalida kale ku dhaantaa oo dheer tahay inta “dahabku maarta dheer yahay” oo waa aqoonta iyo dhaqanka xididdadiisu sii adkaanayaan ee sida khilaafaadka loo xallilo iyo habraacyada wax wada gorfaynta, is dhegaysiga, wada hadalka, wada tashiga, talo wadaagga iyo isu tanaasulka, kuwaas oo laga la soo dalandalay geedka hoostiisa, kana ciidamiyey oo shaqeeyey xilligii halgankii hubaysnaa ee SNM. Waa isrrada ay Somaliland ku taagan tahay ee lagu soo caano maalay, kuwaas u baahan in maanta na aan loo daymo la’aan, oo loo cuskado marjac laga soo dhimbiil qaato.

 

“Rooma (Rome) se maalin lagu ma dhisan” oo Somaliland weli wax badan baa u dhiman oo qabyo ah, inta se la hayaa na waa intii lagu beegsan lahaa intaas weli la tebayo maqnaanshahooda. “Midho gunti ku jira na kuwa geed dushii saaran loo ma daadiyo”.

 

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories