HomeKulmiye: Shirka Golaha Dhexe, Badheedhaha Labada Mujaahid, Diidmada Madaxtooyada, Nairobi Iyo Daymada...

Kulmiye: Shirka Golaha Dhexe, Badheedhaha Labada Mujaahid, Diidmada Madaxtooyada, Nairobi Iyo Daymada Samaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Khilaaf adag oo u dhexeeya madaxtooyada iyo kaadiriinta Xisbiga talada dalka haya, ayaa ka soo if-baxay muddada la qabanayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, si loo soo afjaro loollanka murashixiinta sida wayn isugu haya, xisbiguna isugu diyaariyo ka qaybgalka doorashooyinka soo socda, sida ay tibaaxeen Xogo Wargeyska Ogaal helay.

Xoguhu waxay intaa ku dareen, in hogaanka xisbigu aad uga xun yahay dib u sii dhigista shirka iyo diidmada ku talagal hore oo la doonayay in shirka lagu qabto, balse ka socon waayay dhanka madaxtooyada, isla markaana uu haatan mar kale is taagay in shirka la qabto bisha Oktoobar ee soo socota.

kulmiyeXoguhu waxay intaa raaciyeen in labada mujaahid ee xisbiga hogaamiyaa ay ku adag yihiin in aanuu shirku dib uga sii dhicin bishaa, balse ay taa si adag uga soo hor jeedaan Wasiir Xirsi, Wasiir Maxamed Biixi iyo madaxtooyadu, ayna danaynayaan in la qabto shirka badhtamaha ama dabayaaqada sanadka dambe, halka Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah murashixiintu uu ka soo eegayo waxa socda magaaladda Nairobi oo la sheegay inuu ku maqan yahay, dhawr goor oo horena uu tegay. “Haddii shirka golaha dhexe ee xisbiga la qabto goor hore, xisbigu wuxuu isu diyaarin karaa tartanka doorashada, laakiin sida madaxtooyadu waddaa waa baabi,inta xisbiga kulmiye.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga.

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxay ku mashquulsan yihiin Haamaha iyo Dekedda, shirkana ma ogola in la qabto wax ka horeeya dhamaadka 2016.” Siday muujinayaan xoggo laga faafiyay mushkilada xisbiga Kulmiye, labada mujaahid ee hogaamiya xisbiga waxa u fiican in xilli hore la qabto shirka, si uu u soo kabto, halka dhinaca ka soo horjeeda ay dantooda u arkaan in dibu dhigistu u waxtar roon tahay.

“Horta labada qolo mid uun baa baxaya, balse mid kalaa jirta, awal hore waxa la sheegi jiray sadex murashax oo is haya, haddase waxa muuqata in Wasiir Xirsi laftiisu u tartamayo murashaxa madaxweynaha, muu shaacin, mana qarsan oo hadalkiisii maalintii dhawayd wuxuu ka dhignaa sidaa. Markaa imika, Xirsi iyo Maxamed Biixi ma kala saari karo, Samaale iyo Maxamed Biixina ma kala sooci karo, dhamaantoodna siday wax isula doonayaan iyo siday wax u kala doonayaan waysku laaqan yihiin, kolay wax lagu heshiis yahay uun baa jirra, balse waxaan hubaa in damaca Xirsi cad yahay, kana dhigan yahay, Siilaanyo anigaa bedelaya ama Siilaanyo dabaddii waa aniga.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah falanqeeyayaasha ku dhaw dhaw madaxtooyada oo xogo amuurtaa la xidhiidha siiyay wargeyska Ogaal.

Tibaaxahaa xigashada dadban ah ka sokow ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dhinacyadaa, isla markaana ma cadda xilliga uu noqon doono shirka golaha dhexe iyo tiradda murashixiinta ku tartami doonta tiradooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories