HomeKulmiye Qaranimada Waxa kala Weyn Kursiga

Kulmiye Qaranimada Waxa kala Weyn Kursiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Xisbiga Kulmiye markii uu mucaaradka ahaa wuxuu isticmaali jiray xaalado guracan iyo xaalad abuur oo marar badan dalka halis galiyey.

Kulmiye wuxuu aaminsanaa in dariiqo kasta oo xukunka lagu gaadhi karaaba xalaal yahay, tusaale ahaan raga hormoodka ka ah ee xisbiga dhawr jeer waxay soo jeediyeen in dagaal laga rido dalka oo xukunka si aan sharci ahayn loo maroorsado waxay ku dedaali jireen inay fashiliyaan maamulka si aanay waxba u kala socon (ku-jiqsii) xataa waxay isku dayeen inay is hortaagaan mashaariic wax badan taray Somaliland sida dib u habayntii Haamaha shidaalka ee shirkadii TOTAL, Maxjarkii Al-Jaabiri iyo kuwo kale, may jeclayn inuu dalku ictiraaf helo iyaga oo aan la wareegin awooda dalka, waxay maalgelin jireen dagaal beeleedyo u dhaxeeya qaar ka mid ah beelaha Somaliland, waxay necbaayeen ciidamada amaanka, guurtida iyo dadka samo taliska ah iyaga oo ka duulaaya qaacido xun oo tidhaahda (the end justifies the means) sidaas daraadeed dambi ma aha haddii la yidhaahdo Kulmiye qaranimada waxa kala weyn kursiga.

Akhriste waxaa xusid mudan oo xiiso leh iyaga oo sidaa dhaqankoodu yahay ayey hadana waxay ku doodi jireen in Kulmiye dalka uga lexo jeclo badan yahay madaxweynaha la doortay (Rayaale) iyo madaxda kale ee qaranka oo uu dhibaayo musuqmaasuqa iyo boobka hantida umadu oo ay ka damqanayaan nolosha bulshada danyarta ah iyo daryeel la’aanta naafada iyo agoomihii SNM.

Hadaba naxariista iyo wadaniyada Kulmiye ee aan uurka jirin waxaan ku xasuustaa sheekadii Yeyga ee soo huwaday haragii laxdii uu cunay si aanu adhigu uga didin, sidaa waxaa ka dhigan dadkii rumaystay ee shalay Kulmiyoow lahaa oo maantana dhabanka iyo gacmaha isku haya markii ay arkeen midabkii Kulmiye ee runta ahaa, ninbaa laga sheegay haddii la yaabo Yaasinka.

Kulmiye wuxuu ka kooban yahay aas-aasayaashii ururka iyo dadkii kaga soo biiray ururadii ku hadhay doorashadii 2002. Ururadu isku wada aragti may ahayn Kulmiyena lamuu aragti ahayn kuwa kale.

Kulmiye wuxuu rabay inuu helo taageerayaal badan kuwa kalena waxay doonayeen inay awrkooda ku kacsadaan waxa kaliya ee ay ka midaysnaayeen wuxuu ahaa inay xukuumada madaxweyne Rayaale ridaan sidaas daraadeed waxay gaadheen Isfaham in xisbiga Kulmiye uu noqdo dallad (Umbrella) ay ku wada hawl galaan. Faraqii u dhaxeeyey wuxuu soo baxay markii xisbigu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 2010 markii qaar ka mid ah laga reebay dhismihii xukuumada cusub kuwa lagu darayna sanadkii ugu horeeyeyba kala boodeen.

Kulmiye waligii ma noqon hadana noqon maayo xisbi midaysan oo meel u wada jeeda, waxay faananba ceebtoodii waxay soo baxdaa mar kasta oo la qabanaayo shir weynaha xisbiga. Kala duwanaanshaha iyo khilaafka kooxaha ka sakow Kulmiye wuxuu ku caanbaxay xatooyada codadka dhamaan wixii doorasho ka dhacay dalka iyaga oo isticmaalaya xeelado kala duwan.

Hadaba marka Kulmiye dhexdiisa ka tartamayo way adag tahay si laysku aminaa sababta oo ah waxaa laysla garanayaa tabihii iyo farsamooyinkii loo adaygsan jiray xisbiyada kale sidaa awgeed waxaa laga baqayaa in hirdanka musharaxnimada Kulmiye noqda miino ku qaraxda Somaliland haddii aan shirka ka hor wax badan lagu sii heshiin.

Si kastaba ha ahaatee shir weynaha shanaad ee xisbiga haddii si xun loo maamulo ama lagu fashilmo wuxuu saamayn ku yeelan doonaa geedi socoka maamulka dawliga ah iyo xasiloonida dalka sababta oo ah kulmiye waa xisbigii iyo xukuumadii xukumaayey dalka.

Waxaan ku soo gabgabaynayaa dhawaan waa la arki doonaa Kulmiye inuu noqdo xisbi masuul ah oo dimuquraadi ah sida ay sheegtaan iyo inuu noqdo xisbigii sharka sida badi rayul caamku qabo.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories