HomeKULMIYE oo WADDANI ku eedeeyey Dacaayad iyo Quudhsi ka dhan ah Shuruucda...

KULMIYE oo WADDANI ku eedeeyey Dacaayad iyo Quudhsi ka dhan ah Shuruucda dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey dhawaaq xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kaga dar-daarwariyey natiijada doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka dambe.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo dorraad warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay dejinta shuruuc adag oo lagu saleeyo nidaamka doorashooyinka dalka iyo sidii loo suurta-galin lahaa doorasho natiijadeedu qanciso cid kasta oo ay khusayso, iyagoo ku dooday inaanay shuruucda dalku ku filnayn buuxinta waajibaadkaas.

dsc_6174Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo maanta ka hadlayey munaasibad xisbigiisu ku qaabilay taageerayaal la midoobay, waxa uu xisbiga WADDANI ku eedeeyey inuu ku kacay dacaayad ka dhan ah shuruucda dalka u dejisan, isla markaana ay ka sii dar-daar warinayaan natiijada doorashada aan wali la gaadhin isla markaana u badheedheen inaanay aqbali doonin natiijada doorashada.

“Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE 84-cod baa lagaga helay oo uu aqbalay, waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii madaxweynaha 84-cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo, xalay (Sabtidu soo galaysay) bay ka hadlayeen oo lahaayeen sharci halla sameeyo, laakiin sharci weynu leenahay oo  xeer-qaran baynu leenahay oo distoorkeenaa qoraya oo Baarlamaanka dalkaa sameeyey qaabka xisbiyadu u gelayaan doorashada, qaabka doorashada loo kala helayana hay’ad qaran oo la yidhaahdo Komishanka doorashooyinka ayaa inoo samaysan oo Maxkamad Distoori ah oo natiijada doorashada marka ugu dambaysa soo saarta,ayaa inoo samaysan, xisbiga KULMIYE –na sida uu markii horeba u caddeeyey waxa uu imikana  caddaynayaa inuu natiijada komishanka iyo maxkamadda sareba aqbalayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories