HomeKulmiye Oo Su'aalo Iska Weydiiyey Mowqifka Xisbiga Waddani ee Qadiyadda Somaliland

Kulmiye Oo Su’aalo Iska Weydiiyey Mowqifka Xisbiga Waddani ee Qadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa su’aalo galiyey mowqifka xisbiga Waddani ee jiritaanka Somaliland iyo Kalsoonida uu ku qabo hay’adaha Garsoorka Dalka.

Afhayeenka Kulmiye oo war-saxaafadeed maanta soo saaray, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay eedaymo iyo aflagaadayn uu sheegay in Xisbiga Waddani kula kacay hay’adaha Garsoorka Dalka, isagoo hoggaanka Xisbiga ku eedeeyey inay si joogta ah u aflagaadeeyaan Golaha Guurtida, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Ciidamada Qaranka Somaliland.

War-saxaafadeedka Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ayaa u qornaa Sidan:-

“Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Qaranka Soomaaliland leeyahay iyo kala-madaxbannaanidooda. Haddaba, waxa nasiib-darro ah in hoggaanka Xisbiga Waddani hab-dhaqan ka dhigtay eedaynta iyo cambaaraynta hay’adaha dastuuriga ah, iyagoo si joogto ah u aflagaadeeya Golaha Guurtida, Maxkamadda Sare/Dastuuriga iyo Ciidammada Qaranka.

Shacabka Soomaalilaand waxa ay iswaydiinayaan:

  • Xisbiga Waddani miyaanu aaminsanayn jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida Qaranimadeeda?
  • Xisbiga Waddani miyaanu aqoon u lahayn qodobada dastuuriga ah ee xilka lagu waayi karo?
  • Xisbigaa Waddani miyaanu aaminsanayn Hay’adaha Garsoorka iyo xaq-soorkooda?
  • Xisbigan Waddani ee raba hoggaaminta dalku miyaanu taageero u ahayn ciidammad Qaranka ee dalkooda difaacaya?
  • Xisbiga Waddani miyaanu la aragti ahayn shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee u taagan ilaalinta qarannimadooda?
  • Xisbiga Waddani miyaanu arkeynin duullaanka xuduudeed ee dalkan lagu soo qaaday.

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aan gole, xisbi, hay’ad kale iyo cid kasta oo ka baxsan garsoorku aanay awood sharci u lahayn faro-gelinta dacwadaha daskuuriga ah ee ka socda hay’adaha garsoorka. Waxa aannu u soo jeedinaynaa hay’adaha awoodda sharci u leh in ciddii faro-gelisa hay’adaha garsoorka iyo madaxbannaanidooda ay la xisaabtamaan.

Ugu dambayn, waxaanu u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in dalkani leeyahay Dastuur iyo xeerar ka dheegma, laguna wiiqi karin eedaymo aan qaban iyo daacayado caado laga dhigto oo loo gaysto hay’adaha dastuuriga ah ee Qaranku leeyahay,” Sidaas ayuu Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ku sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories