HomeKULMIYE oo soo Dhaweeyey Ururka Dhallinyarada BARAARUG oo Ka Dhisan Bariga Caasimadda...

KULMIYE oo soo Dhaweeyey Ururka Dhallinyarada BARAARUG oo Ka Dhisan Bariga Caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE, ayaa  soo dhaweeyey Ururka dhallinyarada ee BARAARUG oo ka dhisan Bariga magaalada Hargeysa, kaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey ururka dhallinyarada iyo aqoonyahanka ee BARAARUG oo maanta lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, siyaasiyiin iyo saraakiil xisbiga katirsan oo uu kamid yahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawada iyo Warfaafinta Md. Farxaan Aadan Haybe iyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, salaadiin, madax-dhaqameed, madaxda xisbiga ee degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan libaax, hoggaanka ururka BARAARUG ee lasoo dhaweynayey iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey ururka xisbiga kusoo biiray, isla markaana lagu faahfaahiyey sida uu xisbiga KULMIYE ugu heellan yahay inuu kasbado da’yarta aqoonta leh ee mustaqbalka ifaya leh.

Kulmiye_BaraarugUgu horrayn hoggaanka garabka dhallinyarada BARAARUG oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay urur ahaan ugu qanceen inay wax la qaybsadaan xisbiga KULMIYE, waxana ay farta ku fiiqeen inay sahamin dheer iyo baadhitaan badan ku ogaadeen in hoggaanka xisbiga KULMIYE u qalmo in la dhiso oo talada dalka lagu aamini karo.

Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ururka Baraarug ee kusoo biiray KULMIYE, waxana uu ku boorriyey inay qaybtooda ka qaataan dedaalka uu xisbigu uru jiro inuu talada dalka hantiyo.

Kulmiye_Baraarug3Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani iyo Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa iyaguna tilmaamay inay cudud cusub oo laxaad lihi kusoo biirtay KULMIYE, waxana ay dhallinyarada kula dardaarmeen inay taageero buuxda u muujiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa oo iyagu xil gaar ah iska saaray doorka dhallinyarada dalka.

Kulmiye_Baraarug2Guddoomiyaha garabka haweenka ee degmada Gacan-libaax Marwo Xusni Maxamed Warsame, ayaa iyaduna muujisay sida ay xisbi ahaan ugu faraxsan yihiin cududda cusub ee ay xisbiga kusoo kodhinayaan ururka dhallinyarada ee BARAARUG oo ka dhisan Bariga caasimadda Hargeysa, waxana ay ku guubaasisay inay maanka ku hayaan inuu KULMIYE yahay xisbi muhiimadda ay dhallinyaradu leeyihiin xil gaar ah iska saaraya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo hadal kooban u jeediyey ururka dhallinyarada ee BARAARUG, ayaa hoosta ka xariiray inay hormood u noqon doonaan guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka kusoo foolka leh, islamarkaana uu xisbigu maanka ku hayo inay dhallinyaradu yihiin cidda guul soo hoyn karta.

Kulmiye_Baraarug4Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna soo dhaweeyey xoogga cusub ee dhallinyarada Baraarug kusoo kodhinayaan KULMIYE, waxana uu baaq ku aaddan waqtiga ololaha u diray guud ahaanba taageerayaasha KULMIYE, isaga oo ugu baaqay inay ammaanka iyo wada-jirka umadda muhiimad gaar ah siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay doorashadii kaabigay ina soo saartay oo ololihii baa la gelayaa, dadka qaarkiina ololaha waxa ay u haystaan in la is caayo oo la isku buuqo, laakiin KULMIYE ahaan waxaasi way inaga reeban yihiin, codbixintana marka hore waxa aynu ku gelaynaa nabad, mar labaadka waxa aynu ku gelaynaa nabad, qiimaha ay nabaddu leedahayna ninkii xumaanta iyo dagaalka arkay baa leh, dhallinyarada yaryarina maanta ma garanayaan qiimaha ay nabaddu leedahay iyo culayska iyo dhibaatada dagaalka iyo khilaafku leeyahay, inagana maanta gobolka aynu ku noolahay ee hareeraheena ah dab baa ka kacaya, dhammaanba cod-bixiyayaasha KULMIYE waxan ku dardaarayaa inay nabadda kow ka dhigtaan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories