HomeKULMIYE oo loo Ogolaaday inuu Xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah...

KULMIYE oo loo Ogolaaday inuu Xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Xoghayaha Guud ee Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa loo ogolaaday inuu ka mid noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika ku bahoobeen, ka dib shir ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Abidjan ee caasimadda Ivory Coast.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha xisbiga Xasan Siciid Yuusuf,  waxaa Xisbul-xaakimka Kulmiye loo ogolaaday inuu xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika kaasoo uu ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeedkaas oo ka hadlay nuxurka khudbad uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka jeediyay Shirkii Golaha Xisbigayada Dimuqraadiga Afrika, ayaa u dhignaa sidan:-

 “Sida aad la socotaan wax 16/10/1012 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi socdaal ku tagay Magaalo Madaxda Dalka Ivory Coast ee Abidjan halkaasi oo uu ka furmay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika (African Liberal Democratic Parties) iyo Shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah (International Forum for liberal Democratic parties).

Ugu horayn Guddoomiyuhu waxa uu ka qayb galay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ka turjumaysa Taariikhda Somaliland iyo Horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca Dimuqraadiyada, waxaanu guddoomiyuhu u sheegay wadamadii badnaa ee ka soo qayb galay shirkaa in ay Somaliland dhisatay haykal maamul Qaran,inay afti u qaaday Distoorkeeda, inay hirgalisay dimuqraadiyad, inay abuurtay qaabka Asxaabta badan, inay qabsatay doorashooyinka Goloyaasha deegaanka, Madaxtooyada iyo Baarlamaanka. Imikana ay mar labaad dib u furtay Asxaabta badan oo ay dhawaan doorashadoodi qabsoomi doonto.

Khudbadaa Guddoomiyaha kadib waxay Madaxdii wadamada ka soo qaybgalay shirkaasi aad ugu amaaneen Somaliland Dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo horumarka ay gaadhay kaalmo dibadeed la’aanteed, waxaanay isla qaateen inay Somaliland Xubin ka noqoto Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika waxaana si rasmi ah loo ogolaaday in Xisbiga KULMIYE xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika.

Waxa isla Magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ka furmay shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah, shirkaana wuu ka qayb galay Guddoomiyu waxaanu ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey, waxaanu uga xogwaramay Taariikhda Somaliland iyo guud ahaan xaaladeheeda.

Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika waxa uu qaraar kasoo saaray (Resolution) ka mid noqoshada Golahaas ee Xisbiga KULMIYE, waxaanay ku sheegeen qaraarkooda in Xisbiga KuLMIYE ka mid noqdo Golahaas.

Ka soo qayb galayaashu waxay cadeeyeen inay Somaliland buuxisay nidaamkii dawladnimada isla markaa ay xaq u leedahay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay siiso beesha caalamku, dalalka sida gaarka ah u taageesanaana qadiyada Somaliland waxaa ka mid ahaa dalka Sishalis.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories