HomeKulmiye oo Go’aan muddeysan ka soo saaray Xafladaha taageerada loogu muujiyo Xisbiga

Kulmiye oo Go’aan muddeysan ka soo saaray Xafladaha taageerada loogu muujiyo Xisbiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ku dhawaaqay inay gabi ahaanba joojiyeen qabsoomidda munaasibadaha taageero-raadista ah ee Xisbigu u qabto taageerayaashooda iyo kuwa cusub ee ku soo biira si madaxda iyo masuuliyiinta xisbigu wakhti ugu helaan ka qayb-qaadashada gurmadka abaaraha ka jira gobollada Bari ee dalka.

xasan-gaafaadhiSidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbigaas Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

War-saxaafadeedka oo ujeeddadiisu xambaarsan tahay Go’aanka Xisbiga KULMIYE ee Muddada Abaartu jirto, ayaa u qornaa sidan:- “Guud ahaan waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan salaamayaa taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga KULMIYE, waxaan u ducaynayaa dhamaan xoola dhaqatada iyo deegaamada abaartu hayso ee goballada bariga Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaannan Ilaahay ka barayayaa inuu abaarta innaga ka jebiyo oo raxmaad caam ah ina siiyo.

Intaa kadib, waxaan shacabka iyo taageerayaasha KULMIYE la socodsiinayaa:

  1. b) Si loola wadaago xannuunka iyo dhibka dadka abaartu hayso;
  2. t) Si madaxda iyo hawladeennada xisbiga KULMIYE u helaan waqti ay kaga qaybgalaan gurmadka degdega ah ee abaarta.

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE go’aansaday joojinta xafladihii waawaynaa ee lagu muujinayey taageerada xisbiga iyo munaasabadaha kale ee xisbigu ku qabsan lahaa huteellada iyo fagaarayaasha magaalooyinka muddada lagu jiro gurmadka abaarta. Keliya kulamada, shirarka iyo munaasibadaha xisbigu waxay ku ekaan doonaan xayn-daabka iyo qolalka shirarka ee xafiisyada xisbiga.

Waxa dhammaan xafiisyada gobollada iyo degmooyinka iyo laamaha dibadda lagu wargelinayaa inay si buuxda u fuliyaan, una dhaqangaliyaan go’aankan.

Waxaan mar labaad Ilaahay ka baryayaa inuu abaarta innaga jebiyo oo deeqdiisa ballaadhan uu innaga waraabiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Kulmiye.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories