HomeKulmiye oo Casho-sharaf u sameeyey Murashaxiinta Xisbiga ee Gobollada Galbeedka

Kulmiye oo Casho-sharaf u sameeyey Murashaxiinta Xisbiga ee Gobollada Galbeedka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga KULMIYE, ayaa caawa casho-sharaf ku maamuusay murrashaxiinta Golaha wakiillada uga sharraxan gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal oo ay wehelinayaan murrashaxiinta xisbiga ku metelaysa goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama.

blankMunaasibaddan oo lagu qabtay Huteel Garaan-haddi ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay qaar kamid ah saraakiisha xisbiga ugu sarraysa oo uu hoggaaminayo guddoomiye-kuxigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, madax katirsan hay’adaha kala duwan ee qaranka, garabka haweenka ee xisbiga, xubnaha murrashaxiinta ee gobollada iyo degmooyinka la casuumay iyo martisharaf kale oo tiro badani, waxana laga jeediyey hadallo lagula soo dhaweynayey murrashaxiinta cusub ee xisbiga meteli doonta, dardaaran iyo wax sheegna lagu siinayey.

blankMunaasibadda oo ujeeddadeedu ahayd soo dhaweyn, dhiirrigelin, baarigid iyo taageero guud oo xisbiga iyo hoggaankiisu u muujinayeen murrashaxiintan, ayey sidoo kale ku lammaanayd shahaadooyin muujinayey sharcinimada murrashaxiintan iyo saxeexidda heshiis uu xisbigu la geliyo xubnahan murrashaxiinta ah ee u tartamaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degmooyinka, iyada oo isla goobtaasna lagu guddoonsiiyey buugga hagaha murrashaxiinta ee ay shuruucda iyo qawaaniinta xisbigu ku qoran yihiin.

blankXubno kamid ah haldoorka xisbiga oo ay kamid yihiin, guddoomiyeyaasha gobollada Saaxil, Mudane Sacad Cilmi Guuleed, Maroodijeex, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hadhiye, iyo Awdal, Mudane Cabdiqaadir Daahir Axmed oo ugu horrayn halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida uu xisigu muhiimadda u siinayo murrashixiintiisa, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay murrashaxiinta looga baahan yahay iskaashi, wada-shaqayn iyo isku duubni, si ay uga lib keenaan hawsha hor taalla.

blankGuddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa ka warramay taariikhda fog ee xisbiga KULMIYE iyo sida uu astaanta ugu yahay guusha, isku duubnida, waxana uu xubnaha murrashaxiinta ah ku adkeeyey inay ilaaliyaan xisbinimada, kuna dedaalaan sidii ay u guulaysan lahaayeen.

Wasiirrada wasaaradaha Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, ahna guddoomiye-kuxigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saaji, Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo halkaas hadal dhinacyo kala duwan taabanaya ka jeediyey, ayaa murrashaxiinta ku adkeeyey inay u diyaargaroobaan dedaal dheerna u galaan sidii ay tartanka kusoo aaddan uga keeni lahaayeen guul, ilaaliyaanna sumcadda iyo karaamada xisbiga KULMIYE.

blankGuddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo madasha soo gunaanaday, ayaa kula dardaarmay murrashaxiinta magaca xisbiga huwan inay tartanka iyo ololaha u galaan hannaan milge iyo sharafi ka muuqato, islamarkaana ku dedaalaan inay gaadhaan yoolkooda fog ee ah inay kuraasida ay raadinayaan ku guulaystaan.

Ugu dambayntii, waxa halkaas shahaadooyin muujinaya sharcinimada murraxnimada lagu guddoonsiiyey dhammaanba xubnaha tartamayaasha ah ee munaasibadda ku sugnaa, waxana goobtaas lagaga saxeexay heshiis gaar ah oo ay xisbiga KULMIYE si shaqsi shaqsi ah ula galeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories