HomeKulmiye: loollan iyo laab la kac !! Qeybta Saddexaad

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Qeybta Saddexaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri; Qormo lafo gur ah: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

“Umaan qaadan qalinka qayb

Umaan qorin weedha qolo

Umaan qallin hadalka quud

Dareenka qasbaa xarfaha

Qiyaas ugu dhigay kashkayga

Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…”  SCC. kalshaale

Arraar kaddib, qormadan 3-aad ee taxanaheena waxaynu dib ugu laabbanaynaa sheekadii hore inoogu soo taxnayd ee Sooyaalka Kulmiye, waxaanan ku salayn doonaa Marxallada cusub ee la galay iyo muuqaalka isbedelay maalmihii u dambeeyey.

Intaananse gudda gelin qoraalka.  aan ka qac ka siiyo dhowr tuduc oo xalay igu soo dhacay markii aan munaaqishoonayey, waxaana idhi ;

‘Nin hankiisu waydeeyey

Himiladdu ka naafowday

Isagoon hambada dhowrin

Ka huleellayjeegaanta

Marka horeba hoosiis dheh!!

Hoosiiska waxa la yidhaahdaa marka ay daruur yar oo khafiif ahi cadceeda qariso, kaddibna daqiiqado yar kaddib, iyadoo nooluhu hadhka ka dareeray ay qoraxdu dibada uga soo baxdo daruurtii yarayd ee dabooshay. Waa soomaalidu ku maahmaahda; Doqoni hoosaasinbay hadh mooda’. Intaas kolkaan ka imaado aan u soo noqdo mowduuca  iyo qormadeena maanta.

 

Maalmihii adkaa iyo Mabaadii’da liicday

kooxda Mujaahidiinta ah ee uu madaxda u yahay Muuse Biixi waxay dheer yihiin kuwa ka soo horjeeda ee garabka samaale,   Biseyl iyo waayo-aragnimo siyaasaddeed,  xagga dhaqaalahase markaan eegno, hoos ka dhiib yar wax ka badan oo muuqdaa kamuu soo gaadhin dabar-goynta khayraadka dalka ee ay xukuumadda Siilaanyo ku tasaruftay bad iyo bariba intay talada haysay. Sidaasoo ay tahay, misna Lama odhan karo waxay ka qaddeen mashaariicda dawladdu bixisay, wallow aanay marna isha ra’yul caamku qaban hanti buuran oo loo loogay.

Labadan garab ee xisbiga la soo koray, ujeedooyinkooda Siyaasaddeedna kala fog yihiin waxa hirdan adag  oo laysku muquuninayey ka dhexeeyey teer iyo markii Odayga  xisbigu (Madaxweynaha) uu wareejiyey Guddoomiyenimada. Loollankaas oo hadda soo gaadhay marxaladii u dambeysay ee uu midkood suntan lahaa hadii guusha lagu waaro madaxweynaha xisbiga ee Siilaanyo bedeli doona, ayaa waxay labada dhinac isla soo mareen marxaladdo kala duwan, maalmo adag iyo mahadhooyin taariikhda galay, kuwaasoo suurto-gelin waayey in lagu kala hadho  oo uu koodii roonaadaa reerka u hadho.

Gulufkii ugu adkaa ee ay isla soo mareen wuxuu ahaa markii qabsoomay Shirweynihii xisbiga ee dhacay 2014-ka. Si fiican ayaa loogu kala adkaaday iyadoo aan tartan loo gelin hogaanka xisbiga qabashadiisa, inkastoo qabanqaabadii laysu dhibi listay. Ergadii Shirweynaha ka qayb-gashay waxa laga ansixiyey qorsheyaal dibada lagu soo bisleeyey oo ay ku jiraan doorashada todobada xubnood ee hogaanka xisbiga, magacaabista guddida fulinta iyo tiradda xubnaha Golaha dhexe. Waxa jiray xubno lagu daray guddida fulinta oo saameyn weyn ku lahaa wada-shaqaynta guddida. In xubnahaas lagu kordhiyo fulinta xisbigu waxay kamid ahayd jarantarrooyinkii isku simay labada dhinac inay  illaa hadda kubbada wada-dheelaan. Waayo haddii kolkii horeba lagu kala hadhi lahaa Shirweynaha may yimaadeen waqtigan muran iyo is-qabqabsi iminka.

Shirweynihii xisbiga dib haddaan ugu yar noqono,  si nabad ah ayy ku dhacay sanadkii tegay, laakiinse lama mahadin natiijooyinkii ka soo baxay; sida dhismihii golaha dhexe ee xisbiga, guddida fulinta iyo dhamaystirka howlihii qabyada ahaa ee Shirweynuhu ansixiyey. Faddeexadii ugu xumayd ee uu xisbigu waajahay kolkaas, waxay dibada u soo baxday markii ay Shir-guddoonkii Shirweynaha iyo hogaanka xisbigu kala magacaabeen laba gole dhexe oo kala duwan, kuwaasoo ay soo kala saareen laba maalmood oo is-xigay. Waxay u muuqatay anfariir iyo dhacdo ugub ah oo bulshadu aad u dareentay.

May jirin caqabad ka fool-xun oo xisbigu soo maray intaan xusuusto tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaanay ahayd arrin si weyn u saameysay shuruucda iyo kala dambeynta dhexdiisa, markii laysla qastayna  waxay gaadhay heer nabad-gelyo daro oo curisay, iyadoo waddanka oo dhan gilgishay duufaantii ka kacday.  Si kastoo ay u adkayd xaaladaasi, Hadii aannan u xil-qarin waxa lagu xaliyeytanaasul siyaasaddeed oo dhimbiil daba kaga kulullayd hogaanka xisbiga, siiba Guddoomiye Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin, oo ay markaa falaadhaha dagaalku toos ugu socdeen.  Xalkii la gaadhay wuxuu fursad dahabi ah u ahaa garabkii xukuumadda ee ay hogaaminayeen Wasiirkii Maaliyada ee wakhtigaas Cabdicasiis Samaale iyo saaxiibadiisa Wasiir Xirsi ku jiro.

Sida la xusuusto, qodobadii go’ankii ergada Guurtida ee dhexdhexaadinaysa muranka xisbiga, waxa kamid ahaa in Gollaha dhexe ee xisbigu noqdo kii ay magacaabeen Shirguddoonkii Shirweynaha oo sida loo arkayey u janjeedhay dhinaca Samaale iyo kooxdiisa. Weedhihii ugu cuslaa ee laga jeediyey xafladii lagaga dhawaaqay heshiiska dhinacyada xisbiga, waxaan afkiisa ka guntay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo yidhi; “ si kasta oo ay iigu adagtahay waan aqbalay anigoo eegaya danaha qaranka iyo midnimada Somaliland” ayuu yidhi Muuse Biixi oo uu walaac badani wajigiisa ka muuqday.

Soo af-jarida Khilaafkii ka dhashay Shirweynihii xisbigu waxay dhabada u xaadhay marxaladda uu hadda ku soo gaadhay , diyaarinta shirka Golaha dhexe ee bisha November  loo muddeeyey qabsoomidiisa, shirkaasoo ah mid miisaan ahaan ka culus, kana xaasaasisan marka la barbar dhigo Shirweynihii la soo dhaafay.

Sida uu dhigayo dastuurka xisbigu, Shirka Golaha dhexe waxa lagu dooran doonaa  Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Doorashada jaggooyinkani maaha arrin sahlan ama la fuddeysan karo, inkastoonu madaxweyne siilaanyo si rasmiya uga tanaasulin.  Shirkaas waxa ka soo bixi kara murrashaxiin ay siyaasaddoodu ka duwantahay hannaanka hada dalku u dhisanyahay, kuwaasoo xukunkoodu saameyn taban ku yeellan karo Mustaqbalka waddanka.

Labada saf ee ay iminka kubbadu dhex taalay, way caddahay aragtidooda siyaasaddeed ee dhow iyo mida fog ee ay u shidaal qaadanayaan, waxaanad moodaa haddeer in qollo salaanka ka dhacday, isla markaana lumisay fursad ay  ku hannan kari lahayd dooonaneyaasha Xisbiga hadii ay tab iyo xeellad ku socdaan.

La soco qormooyinka dambe..

Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa/Somaliland

Email: editor@gobanimonews.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories