HomeKulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q2-aad

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q2-aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri…’ Qormo lafo gur ah; Qorre: Saleebaan Cabdi Cali  Kalshaale

Arraar

“Umaan qaadan qalinka qayb

Umaan qorin weedha qolo

Umaan qallin hadalka quud

Dareenka qasbaa xarfaha

Qiyaas ugu dhigay kashkayga

Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…”  SCC. kalshaale

Hordhac kooban;

 

Qormadan labaad ee Taxanaha gorfeynta geediga Siyaasaddeed ee loollanka Xisbiga kulmiye waxaan ku falan-qeyn doonaa Qaraxa culus ee durba iftiimiyey dil-dilaaca Xisbiga ku bilowday iyo nusqaanta uu ku keenayo jawiga cusubi miisaankii iyo mabaadii’dii uu ku socday, haba noqdeen kuwii  laysku diidanaaye.

 

Maxaa ka Qarxay Kulmiye?

Waxba may dhicin!, deero deero may hirdiyin, dalkuna waa nabad, waanu sii ahaan doonaa nabad. dareen-baase bulshada uga baxay Is-casilaada huwantii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dareeray, kaasoo ah mid  dhabar-jabin ku ah qaranka, laguna talo-galay.

 

Geesta kalena, talaabadan Iscasiladda sagaakja Wasiir ee Xukuumadda ka tegay  waxay ahayd arrin la filayey billo ka hor intaanu gaadhin heerkan culus ee kala qaybsanaanta dhalisay, balse  uu bilaabmay loollanka Murrashaxnimada  xisbiga loogu tartamayo ee u dhexeeyey Golaha Wasiirrada qaarkood  iyo hogaanka xisbiga, taasoo  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud lumiyey wakhtigii uu ka hortegi lahaa ama uu wax ka qaban lahaa.

 

Si cad ayey saaxada siyaasada uga muuqatay dhacdadan dhegaha bulshada sida kediska ah ugu soo dhacday, waxaana saameynta ay dalka iyo dawladnimada ku yeellato masuuliyadeed qayb ku leh Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ka gaabiyey xilligii wax laga qaban kari lahaa.

 

Hadiise Madaxweynaha iyo la-taliyeyaashiisu ogolaadeen inay ka qayb-galaan tartanka Murrashaxnimada, iyagoo xilal wasiirnimo haya. isticmaalaya Hantidii dawladda, sida Gaadiidka iyo Shidaalka qaranka loogu shaqaynayey, isla markaana ay ilaalinayaan Askartii Qaranku, mowqifka mutaxan ee ay isku casileen aan mar kale ku celiyee, wuxuu muujinayaa qorshe ay ku shafayeen Xukuumadda, taasoo haddii loo sii dhabo galo la heli karo halka ay ku arroorto iyo cidda la maleegtay shaxda ay ku socdaan. Waxa go’aankooda ka dhex muuqda Siyaasiyiin hore uga hulleelay qasriga oo wacad ku maray inay Madaxweyne Siilaanyo ku dul dumin doonaan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye. Kama madhna hindisahan kala daadinta Xukuumadda far shisheeye iyo Shirqool ujeedooyin badan.

 

Dhan kale haddaan ka istaagno qodobkaas dadku hadday isweydiinayaan maxay saameyn leedahay Iscasilaada dersinka Wasiirrada ah?.

Halagu kala lagu kala aragti duwanaadee, waxa loo badanyahay,inay  ku kaceen fal la odhan karo wuxuu halis ku yahay milgaha iyo Maamuuska dawladnimo, midnimada Qaranka iyo musawirka Madaxweynaha dalka xukuma.

 

sidaas darteed, Inkasta oo aan la tusaaleyn Karin talaabooyinka tan xigta ee ay qaadi doonaan, halkay ka soo jeesan doonaan berri iyo mowqifka biyo kama dhibcaanka ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono shebekaddan ka dareertay Xukuumadda, haddana waa hubaal inay la kulmi doonaan ciqaab adag oo uu marsiin doono hogaamiyaha dalku.

 

Sidaan filayo Wasiirrada iscasilay qaarkood waxay waajahayaan culays badan oo kaga yimaada qasriga Madaxtooyada, daba-gal iyo la xisaabtan culus oo aanay ka dabaalan Karin. Waxaba qaarkood  hortaala xisaab celin shan sannadood ah, silsilad siyaasaddeed oo lugaha loogu xidhayo iyo dabcan dunuubtii ay ka galeen bulshada rayidka ah muddadii shanta sannadood ahayd ee uu kulmiye dalka xumayey.

 

Isku soo wada duuboo aragtida ra’yul caamku kaga dareen celiyey naadigan garoonka ciyaartu ka socoto, ka dareeray ee uu hogaaminayo wasiirkii shanta sannadood hor-taagnaa Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kamida in dadka lafa-gura Siyaasadu u arkeen nabar ka  fuqay Qaranka, oo xanuun iyo xasarad dibada ula guuray. Aniguse waxaan u arkaa rag ka cadhooday kubad garoonka dhextaala oo ka dhaxaysay  garabkaa Murrashax Muuse Biixi. Waxa inoo muuqata inay xamili waayeen dhowrkii  gool ee laga dhaliyey haafka hore.

 

Sidaas awgeed , Waxaan isweydiinayaa maxay  sameyn doonaan, lagase filli lahaa hadii ay sidaas kaga baxaan garoonka, kooxdan ka xanaaqday labadii gool ee bilowga Ciyaarta laga dhaliyey, hankooduna ku bur-buray dardartii hore ee loollanka, isla markaana durba halkaas ka fad-kudiyey.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories