HomeKULMIYE KARKIISU BULSHADA YUU KALA FOGAYN – W/Q: Suleyman Cabdisitaar Dubad (Samataliye)‏

KULMIYE KARKIISU BULSHADA YUU KALA FOGAYN – W/Q: Suleyman Cabdisitaar Dubad (Samataliye)‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

cabdisitaarSaxaafada Madaxa banaan iyo ta dawliga ah Iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland waad salaaman tihiin, bacdigeed  ilaahaybaa mahad leh I waafajiyey qoraalkan.

Ayaan darada dalkii ku habsatay waxay noqotay in Xisbigii shacabku u codeeyeen ee badiba Somaliland umadeedu kalsoonida buuxda siisay inay hagaan siyaasada iyo hogaaminta dalka iyagii looga baqo amnigii aynu mudada ku soo jirnay , waxay noqdeen laba group oo mid waliba ka kale ku eedeeyo inuu wado arbush iyo qulqulatooyin amni xumo, KULMIYE waxa dalka loogu dhiibay inay u hogaamiyaan jid uu ku horumari karo oo isla markaana la jaanqaado dunida horumartay, waxa loo doortay inuu danyarta masaakiinta ah ee dalka gudihiisa ku dayacan uu u damqado kana saaro dibu dhaca ay kujiraan, waxa loo danaynayey inuu da’yarta ka badbaadiyo tahriibka iyo badaha ay ku le’deen, waxaynu ka rabnay inuu ka rumeeyo rajooyin doora oo uu inagu ruxruxay waagay u ordayeen doorashada, Waxa looga doorbiday xisbiyadii kale inuu kobciyo dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka, waxaynu ka filaynay inuu qarankan gaadhsiiyo Ictiraaf iyo qaran lugihiisa isku taaga.

Khilaafka Kulmiye dhexdiisu ma demin weli waxaanu taagan yahay halkii u saraysay wallow guurtidu go’aan gaadhay garabyaduna ugu garaabeen guuxii doonaaba ha jiree goobta ka sheegay inay gartoodaas la soo gunaanaday ay ku qanceen, hadana sida aynu wada ognahay garabkii gudoomiyuhu arinkaas aad uguma qanacsana waxa bilaabmay In kooxina ka shaqayso sidii go’aankii guurtida loo taageeri lahaa xaga dhanka kalena ay isku hawleen in la sameeyo cambaarayn go’aankan lagaga soo horjeedo.

KULMIYE iyo garabyadiisa kala jiraa waxay sabab u noqdeen in amaanku khalkhalo iyadoo la og yahay in ay hakad kujiraan isu socodka wadamada aynu jaarka nahay (Djibouti iyo Ethiopia) oo shaki ka qaba xaalada amaan ee dalka, go’aan qaadashada hagaajinta xidhiidhka wadamada jaarkuna waa mid daciif ah oo in marka wax dhacaan lays daba yaaco mooyee aan ka hortag iyo siyaasad lagula tacaala midna aanu jirin, Danaha laysku qabaana waa qaar laba dhinac ah maaha in mar walba dhan qudha la tuso baahidooda ee waa inay mararka qaar Somalilandna go’aan lidi ku ah qaadataa danaha geeska kale.

Inkastoo KULMIYE ay ku jiraan badiba labeenta iyo haldoorka Bulshada Somaliland layskuna seegayo afkaaraha iyo aragtiyaha maamul ee dalka iyo mida xisbigaba hadana muhiimadu waa masuuliyada ay hayaan oo ay muujiyaan isuguna tanaasulaan halka inta badani marto, si aanay u dayicin wixii loo diray nidaamkan dimuqraadiga ahna aanay u adeegsan reero iyo dano shakhsi.

Maanta dalku wuxuu marayaa xaalad xun oo waxay gaadhay in beel beel xaflado loo qabsado bulshadiina ay ukala qoqobanto reer reer oo siyaasadii ay noqoto mid minqiyaaskeedu reer hebel noqdo siyaasi han kursi leh ayaa ku guuray oo bulshadii iska hor keenaya.

 

Xisbul Xaakimka KULMIYE  laba miduun  Baa waajib ku ah

1)  inuu soo gebagebeeyo khilaafka dhexdooda ah Hogaanka Xisbiga KULMIYEna loo daayo maamulka xisbiga oo wasiiirada iyo xubnaha xukuumada ee aan ku jirin golaha Fulinta ee xisbigu waa in ay faragelinta ka daayaan madaxda xisbiguna waa inay ixtiraamaan golayaasha kala duwan ee xisbiga iyo talada hogaanka guud Gudoomiyuhuna ha yaqiinsado inuu labada garaba masuul ka yahay isu soo jiidkoodana isaga ay saaran tahay ee ficiltankooda uu ka fogaado.

2)  Haday taas koobaad suurogal aanay ahayn Talada dalka hayska wareejiyaan bulshadana ha ku celiyaan masiirkooda waayo iyagiibaa khatar bulshada ku ah.

Waxaynu haynay hayaan horu-socod oo aan ku hamiyaynay in dalkeenu ku hiigsado dalalka horumaray, waxaadse moodaa in uu hakad galay xukuumadiina ay ku mashquushay 5ta sano ee soo socda, xisbigeeda dhexdiisiina qodaxda ugu badani u taalo.

Gebagebada maqaalkan waxaan ku soo gunaanadayaa KULMIYE waxa isku haysta shakhsiyaad kursi iyo dano shakhsiyeed oo iyaga khaas u ah leh laakiin aanay ahayn reero dano gaara ka leh, Yaanay bulshadu u kala qaybsamin isir iyo reer ee qof waliba afkaartiisa ha cabiro hankiisa iyo hamigiisana yaanu hoos geyn nin hore tiisii meel u dhigay hebelna hayb ugu rahmanaan.

Da’yarta iyo aqoonyahanka waxaan u soo jeedinayaa inaanay ku milmin qabyaalada uu nin dan lihi kuu isticmaalayo waana inaynu ku dedaalaa inaynu dalkan ka dhigno mid qabyaalad iyo qudhun ka caagan Saxaafada lafteeduna ha ka waantawdo wixii bulshada isku duubnideeda dhaawici kara

 

Intaan Saxay Eebaa ku Mahadsan wixii aan Qaldayna Shaydaan baa iska leh

 

 

Suleyman Cabdisitaar Dubad

cabdisitaar@hotmail.com

www.samotaliye.blogspot.com

Hargeysa Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories