Home"KULMIYE Berigii Uu Mucaaridka Ahaa Beesha Caalamka Aad Bay U Jeclaayeen, Waxaan...

“KULMIYE Berigii Uu Mucaaridka Ahaa Beesha Caalamka Aad Bay U Jeclaayeen, Waxaan Leeyahay Bal Beesha Caalamka Ha Kaga Foggaanina” Guddoomiye Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa wuxuu shalay khudbad ka jeediyay madal ay guddiga doorashadu ku iclaamiyeen gunaanadka diiwaangelintii cod bixiyayaasha.

gudoomiye-ciro-oo-lacag-isiiya-leh

Guddoomiye  Cirro waxa kale oo uu sheegay in Diiwaangelintu qurux badnaan doonto haddii doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, waxaanu khudbadiisa ku bilaabay “Waa maalin suntan oo ku suntanaan doonta taariikhda Somaliland, marar hore ayeynu isku daynay in aynu diiwaan-gelin samayno se nasiib darro way inaga xumaatay. Maanta Diiwaan-gelin baa innoo dhammaystirantay oo aynu u xafladeynaynaa in si wanaagsan ay innoogu dhammaatay Diiwaan-gelintaasi. Waa guul u soo hoyatay Somaliland oo aynu muddo ka dhur-sugeynay. Waxa aan runtii hambalyeynayaa dhammaan qaranka Somaliland, waxa aan hambalyeynayaa guddiga Doorashooyinka Qaranka oo laf dhabar u ahaa hawshaas, waxa kale oo aan hambalyeynayaa cid kasta oo haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay farsamo tahay ba ku biirisay si ay arrintaasi u guulaysato oo ay ugu horreeyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geysatay ba.”.

 

Doorashada iyo Diiwaan-gelinta waxa aan ku soo gunaanadi lahaa eray yar oo ah.” Hore waxa loo yidhi Hooyo wanaagsan baa dhimatay oo caruur badan lahayd, deed na caruurtii mid ka mid ah baa waxa uu yidhi Hooyaddeen aas wanaagsan baa u dhacay, markaas baa inta uu mid kale hadlay buu yidhi waa haddii uu Axanku raaco, markaa diiwaan-gelin wanaagsan baa innoo dhacday waa aynu ku guulaysanay laakiin waa haddii ay Doorashadu wakhtigeedii innoo qabsoonto.”.

 

Qaadhaan bixiyeyaasha, runtii waan u mahad-naqayaa waxa se aan lee yahay hawshii weli may dhammaan, xukuumadda Somaliland na hawsha intii looggu  tallo-galay in ka badan bay bixisay, marka waxa iyaga laftooda loogga baahan yahay in aanay hawsha halkii kaga hadhin ee ay dhammaystirkeeda haddii ay Doorashada iyo Diiwaan-gelinta tahay ba ay gacantii ay ku lahaayeen ay sii wado.

 

Qolyaha KULMIYE ee aanu saaxiibka nahay na kelmad baan odhan lahaa oo berigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa beesha Caalamka aad bay u jeclaayeen, marka ay Lixda gobal ba saxeexayeen aad bay u jeclaayeen ee ay Doorashadu ku suurto-gashay, marka waxa aan lee yahay bal beesha Caalamka aad ha ugu foggaanina.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories