HomeKullan ku Saabsan Cidhibtirka Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa Lagu Qabtay

Kullan ku Saabsan Cidhibtirka Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa Lagu Qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Kulanka lagaga hadlaayo wax ka qabashada iyo cidhib tirka gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha  ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo   ay soo qaban qaabisay  Dalladda Nafis Network ee ka shaqaysa arrimaha Gudiinka Gabdhaha ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,shirkan waxaa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee Dalladda Nafis Network  Gudoomiyaha daladaasi Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Warsame (Aamina Milgo) Agaasimaha Dalladdaasi  Cabdiraxmaan Gaas,qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada, Madax dhaqameedka iyo Haweenka, waxaana ugu horeyn kulankaas ka hadlay Madaxa mashaariicda fulinta ee Dalladdaasi Nafis Muste Maxamed Daahir oo ug horeyn halkaa ka  iftiimiyey ujeedada shirkan iyo waxa loo qabtay waxaanu yidhi “ halkan waxaan isugu nimid inaan ka hadalno shirkan oo sida aad aragtaan ciiwaankiisu inuu yahay Gudniinka fircooniga ee Gabdhaha”

 

Gudoomiya Dalladda Nafis Marwo Aamina Milgo oo iyana halkaas ka hadashay  ayaa  waxay ka warrantay ujeedada loo qabtay shirkan heer qaran ee Gudniinka hawlihiisa diiradda lagu saarayo waxaanay ka dhawaajisay baahida loo qabo ilaalinta xubinta taranka dumarka ee birta loola baxayo waxayna tidhi “Kulankeennani muhiimadda ay noo leedahay dhamaanteennba inaynu meel uga soo jeedsanno sidii loo joojin lahaa Gudniinka fircooniga ah.”

 

Luul Aadan Geeddi oo ah Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo iyana halkaas ka hadashay ayaa  tidhi  “inaan intaas oo dhan ka hadalno Gudniinka waxaa keenayaa waa muhiimadda ay leedahay inaan joojino Gudniinka Gabdhaha waayo diinteenna Suubani way mamnuucday in Gabdhaha xubintooda taranka la jarjaro Nabigeennuna CSWS waxa uu ahaa ku dayasho fiican sida qur’aanka laynoogu sheegay, Dhakhtarka wayn hadaad tagtaan waxaad ku arkaysaan gawaadhida caafimaadka dagdagga ah loogu talo galay waxaanay dhaafeen Hargeysa waxaanay tagayaan ilaa iyo degmooyinka sida Sallaxley,Balligubadle iyo meelo kale waayo dhibaatadii soo gaadhaysay hooyinka ayaa bataday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda  Cismaan Axmed Jaamac oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay Inuu bulshada wada gaadhay xanuunka Gudniinka fircooniga ah ee Gabdhuhu loona baahan yahay inay bulimadu horsed ka noqoto sidii loo joojin lahaa Gudniinkaasi lagu hayo Gabdhaha waxaanu yidhi“Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo Ragguna way la qabaan waayo infuctions ka dhashay way kala qaadayaan”.

 

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Madax-dhaqameed iyo dad kale, waxayna dhammaantood sheegeen in gudniinka fircoonigu yahay masiibo, aan loo baahnayn oo naafaynaya Gabdhaha, waxayna soo jeediyeen in la cidhib tiro, waxayna dhammaan dadkii halkaas ka hadlay u mahadnaqeen Dalada Nafis oo ay sheegeen in kaalin weyn bulshada u hayso, waxaana halakaas lagu soo bandhigay warbixino ka turjumaya dhibka gudniinka fircooniga

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories