HomeKulan-weyne lagu gorfaynayo Xeerka Nidaaminta Garsoorka oo kulmiyey Waaxaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka...

Kulan-weyne lagu gorfaynayo Xeerka Nidaaminta Garsoorka oo kulmiyey Waaxaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka oo maanta Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 27 February, 2012 (SLpost)- Kulan hawleed laba cisho soconaya oo lagu lafo gurayo Xeerka Nidaamka Garsoorka  isla markaana ay ka qayb galeen ku dhawaad Sideetan Xubnood oo isugu jira Xildhibaano, Bahda Garsoorka iyo Xeer ilaalinta, ayaa maanta ka furmay Huteelka Guuleed ee Caasimada Hargaysa.

Kulan hawleedkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo qaban qaabiyay Gudi-hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqul Iinsaanka ee Golaha Waliilada waxaana maalgalisay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP .

Gudoomiyaha Gudida Shuruucda ee Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cismaan Caalin “C.raxmaan dheere” oo madashaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay in dulucda xeerkan ay ku qotonto sidii wax ka badal iyo kaabis ay ugu samayn lahaayeen xeerka Nidaamka Garsoorka si uu u noqdo ayuu yidhi mid anfaca dalka iyo dadka isla markaana lagu hago bah’da Garsoorka .

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan ayaa dhiniciisa ka sheegay in dib u habaynta cadaaladu ay faa’iido u leedahay dalka isagoo iftiimiyay in Xeerka Nidaamka Garsoorku uu ka turjumayo ahmiyada ay bah’da garsoorku u hayaan wadanka .

Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa tilmaamay in Siyaasadu ay tahay ta meel marisa Qawaaniinta aynu samaysanay waxa uu Wasiirku hoosta ka xariiqay in Xeerkani aanu soo marin marxaladihii loogu talo galay isla markaana ay haboonayd inuu ka soo baxo Xukuumada markaas kadibna loo soo gudbiyo Golaha Wakiilada si ay uga gutaan waajibaadka ka saaran, Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay inay Gudida Cadaalada u Sameeyeen Xafiis ay ku gutaan hawlahooda shaqo kaas oo ay dhawaana xadhiga ka jari doonaan .

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu carabka ku dhuftay in Xooga la saaro dib u eegista Go’aanada ka soo baxa maxkamadaha si loogu qiimeeyo ayuu yidhi Garsoorayaasha .

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka kaas oo Bud-dhig u noqonaya Waaxda Garsoorka Somaliland Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland waxa uu Xusay in Xeerarka loo curiyo inay boqolka sanno ee soo socda anfacaan dadka iyo dalkaba isla markaana ay daruuri tahay sidii loo lafo guri lahaa qodobada uu xeerkani xambaarsan yahay si looga saaro wixii madmadow ah .

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu intaas ku daray in aragtidiisa xeerkan la xidhiidha ay ku qotonto inuu yahay mid xal u keenaya Mushkiladaha iyo Cabashooyinka laga tirsado bah’da Garsoorka Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Cirro” oo gaba gabadii kulan hawleedkaasi si rasmi ah u furay ayaa sheegay in Xeerkan nidaamka garsoorka ay Gole ahaan Laba jeer wax ka bedel ku soo sameeyeen gaar ahaan xiligii Xukuumadii hore isla markaana ay madaxtooyadu dib ugu soo celisay golahooda si kaabis loogu sameeyo waxaanu xusay in Markii danbe digreeto madax weyne lagu dhaqan geliyay xeerkan Maanta laga doodayo iyo kii ay wax ka bedelka ku sameeyeen.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Cirro” waxa uu kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha in si Cilmiyaysan ay u naaqishaan Mabaa’diida Guud iyo Qodobada uu xeerkani xambaarsan yahay si markaas kadib loogu soo celiyo Golaha Wakiilada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories