HomeKulan-Qorsheyneed lagu dejinayo barnaamij dib loogu habaynayo Cadaaladda oo maanta Hargeysa ka...

Kulan-Qorsheyneed lagu dejinayo barnaamij dib loogu habaynayo Cadaaladda oo maanta Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Kulan wada tashi iyo xog isweydaarsi ah oo ku saabsan barnaamijka dib u habaynta Cadaaladda ayaa maanta ka qabsoomay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Kulankan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha, cadaalada  Dr Xuseen Axmed Caydiid, warfaafinta mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe),   shaqada iyo arimaha bulshada Mudane maxamuud Axmed barre (Garaad) Gudoomiyaha maxkamadda sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Cali, Agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada  iyo Madaxa UNDP ee Somaliland. Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa kulankan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha, Gudoomiyaha haweenka qareenada ah ee Somaliland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka cadaladda iyo garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid uu kulnkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkii dhanka cadaalada ee sanadkii hore  qabsoomay laga soo saaray shuruuc iyo xogo ku saabsan dib u habaynta cadaalada isla markaana  kulankan lagu qaybin doono qoraalo arimahaas ku saabsan oo la isku soo Min guuriyay.

Wasiirku waxuu sheegay inay lama huraan noqotay in la dejiyo qorshahii shanta sano ee lagu horumarinayey  caddaaladda Somaliland, taasina ay tahay mid u baahan in la helo bah cadaaladeed oo wada socota.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada maxamuud Axmed barre (Garaad) ayaa isna halkaasi ka sheegay in qorshaha xukuumadda Somaliland ee ku qotoma dib u habaynta cadaaladu uu yahay mid ka midho dhalintiisa ay bulshadu inaga sugayso, hay’adaha garsoorkuna noqdaan kuwo gaadha cadaalada dhabta ah.

wasiirka wasaarada, warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in kulankani yahay mid midaynaya bulshada iyo dawlada, taas oo  macnaheedu tahay ayuu yidhi wasiirku inaynu talada iyo toosinteedaba wada leenahay.

Mudane Boobe waxuu sheegay inay hawl adag u baahan tahay sidii sharci dal u degsan wax looga bedeli lahaa  isagoo intaas ku daray in Qaabka ay wasaaradda cadaaladu adeegsanayso ee ku qotoma hanaanka wada tashi uu noqonayo mid wax badan oo ka mid ah guul lagu xaqiijin karo.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil cali oo kulankaas ka hadlayey ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkan lagaga faa’iidaysto sidii loo habayn lahaa sharciga cadaalada iyadoo laga duulayo ayuu yidhi qorshahii ka soo baxay shir cadaaladeedkii qabsoomay badhtamihii sanadkii hore.

Gebagebadii waxaa kaloo halkaa ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaradda cadaalada iyo madaxa hay’ada UNDP u qaabilsan Somaliland.

 

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories