HomeKulan Qaadhaan loogu ururiyey Abaaraha oo Madaxtooyada ku qabsoomay iyo Xaddiga Lacag...

Kulan Qaadhaan loogu ururiyey Abaaraha oo Madaxtooyada ku qabsoomay iyo Xaddiga Lacag ay ku yabooheen Ganacsatada waaweyn ee dalku

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa maanta kulan ballaadhan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ganacsatada waaweyn ee dalka, kulankaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii ay ganacsatadu taakulo dhaqaale uga geysan lahaayeen Abaaro baahsan oo ka taagan gobollada Bari ee dalka.

????????????????????????????????????

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaas kaddib warbaahinta lahadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey najiitada kulankaas oo qaadhaan loogu ururinayey in ka badan Hal Milyan oo ruux oo ay noloshooda saamaysay Abaar baaxad leh.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa shaaciyey in ganacsatadu dalku ay bixiyeen deeq lacageed oo gaadhaysa Hal milyan iyo shan iyo sodon kun oo doolar (1,035.000$) oo isugu jirta lacag kaas ah iyo raashin oo loogu talo galay in loogu gurmado dadka ku dhaqan gobolada barriga dalka ay ay abaarta baahsani soo food saartay.

Mudane Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kalena shaaciyey in ay Xukuumaddu go’aansatay in la mideeyo gurmadka iyo taakulada dadkaasi abaaraysan sidaa daraadeedna ay Xukuumadu ay amarayso in dhamaan mucaawinooyinka lagu wareejiyo guddida qaran ee Abaaraha.

????????????????????????????????????

Wasiirka Madaxtooyada ayaa arrimahaasi kaga dhawaaqay xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo kulanku ka dhacay waxaanu yidhi “ Saaka waxaynu halkan isugu nimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulan uu ku martiqaaday ganacsatadii waaweynayd ee dalka, oo qoorweyntoodii ay maanta halkan fadhido, kulankan Madaxweynaha waxa ku wehelinayey gudidii abaaraha oo shirkadahan iyo ganacsatada dhamaantoodba ay guddida qayb ka yihiin, iyo culimo Awdiinkii, guddidaas oo aynu u samaysaynay in xaaladaha noocaas ah dalka ka samato bixiyaan, dadkeena tabaalaysana ay gargaaraan.Kulankan waynu isku xog waraysanay, ujeedadii aanu idiinku yeedhnay Madaxweynaha iyo xubno guddida ah ayaa ka waramay, ganacsataduna si wanaagsan ayey u hadashay, waynu abaarnay dulucdii aynu u nimid, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad naqo kulankaa aad soo ajiibteen Madaxweynaha, maamuus iyo milgo ayey isaga u tahay, Ummadeenana qiimo weyn ayey u tahay.”

dsc_0190Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ Taasi waxay ka markhaati kacaysaa deeqsinimadiina, waa garanayseen waxa laydiinku yeedhayey inay lexejeclo iyo aduun tahay, hadii aad bakhaylo tihiin dee maydaan timaadeen, qof walibana wuu ku soo tallo galay waxa uu halkan ka bixin doono, ujeedaduna waxa ahayd qofku Aakhiradiisana wax buu dhiganayey dadkiisana wax buu tarayey, waa idiinka mahad naqaynaynaa aduunkaa aad  bixiseen ee ku yaboohdeena ILAHAY waxaanu idiinka baryeynaa inuu miisaanka xasanaadkiina ku biiriyo, halka aad ka soo saarteena badal kale idiin galiyo.”

Mudane Xaashi ayaa ka hadlay cadadka deeqda ganacsatada waxaanu yidhi “ Waxa halkan maanta ay kaga dhawaaqeen ganacsatadu lacag Malyuun iyo shan iyo sodon kun oo doolar ah ( 1. 035.000$) oo deeq ah, Todoba boqol iyo shan toban kun oo doolar (715.000$) waa lacag kaash ah oo guddiga culimada gacantooda soo galaysa insha Alaahu, deeqaha iyo mucaawinyooyinka waynu nidaaminaynaa, khibradii ay guddidu korodhsatay ayey ahayd, hay’ado fara badan oo Islaamiya oo dadaalaya, ururo yaryar ayaa raashimo keena, nin waliba meel buu la qabtaa, waxaas oo dhan waanu mabnuucaynaa, dawlad ahaan guddiga abaaraha ayaa naga codsaday in la mideeyo abaaraha waxaanu u sheegaynaa dadkaa in wixii taakulo ah meel uun laga wada-wadayo, oo guddiga abaaraha loo dhiibo, sababtu tahay baahi iyo mudnaansho ayaa la maamulayaa, waxa laga yaabaa in hadii aynu haantaa haduudhlaha mucaawadamda ku maamulno inay meel kaliya ku dhacdo dadka tabaalaysani waa dakeenii, goboladu waa kuweenii waa loo xaqsoorayaa gobolada iyo dadkaba, markaa waa in xarun meel kaliya laga maamulaa. Markaa ururadaas waxaanu u sheegaynaa inay gudida ku wareejiayaan wixii ay hayaan.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena sheegay ina lacagahaasi deeqda ay ay maamuli doonaan guddida qaran ee abaaruhu isla markaana ay ku jiraan gacan aamin ah waxaanu yidhi “ Waxaan jecelahay inaan ganacsada u mahad naqo. Amaanadaas iyo aduunkaas khasnad dawladeed la gayn maayo, laguna dari maayo, waxa maamulaya gudiga abaaraha, culimaad ayaa haynaysa, taanu dawlad ahaan bixinay iyo taa bixiseen dhamaan gacmo aamin ah ayey ku jiraan.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa isla goobtaasi ka akhriyey magacyada shirkadaha gacansiga iyo baaxda lacagta ay bixiyeen, waxay u dhignay sidan:

  1. Shirkada Dahabshiil Group  waxay bixisay laba boqol oo kun oo doolar (200,000$)
  2. Shirkada TELESOM waxay bixisay Boqol iyo konton kun oo doolar (150,000$) oo laba qaybood ah. Sideetan kun 80. 000 $  oo ay guddida ku wareejinayso iyo todobaatan kun (70.000$) oo ay gobolada kaga yabooheen.
  3. Shirkadda OOMAR waxa ay ku yabooday raashin dhan afar kun oo qoys oo gaahaysa laba boqol oo kun oo doolar (200,000$).
  4. Shirkada SOMCABLE waxay ku yaboohday laba boqol oo kun oo doolar (200,000$) oo khaash ah.
  5. Xaaji Baxsane (Red Sea company) wuxuu ku yaboohay kontan kun oo doolar (50,000$).
  6. Shirkada Al Harbi waxay ku habooday Sideetan kun oo doolar (80,000$), oo isugu jira sodon kun (30, 000$) oo doolar oo kaash ah Iyo konton kun (50,000$) oo raashin ah.
  7. Shirkada Haamaha kaydka Shidaalka Berbera (BOG) waxay ku yabooheen Boqol iyo konton kun oo doolar (150.000$).

Sidoo kale waxa halkaas lacag dhan Kun doolar(1.000$) bixiyey Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo shirka ku sugnaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories