HomeKulan Madaxtooyada ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Kulan Madaxtooyada ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la yeeshay Siyaasiga Prof: Axmed Ismaciil Samatar oo tan iyo toddobaadkii hore ku sugnaa Somaliland.

Kulankaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ma jirin wax war ah oo ka soo baxay oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay, wuxuuse u muuqday mid Salaan guud iyo is bariidin ku kooban, lamana oga waxyaabaha ama qodobbada ay Prof: Samatar iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu kaga wadahadleen kulanka gaarka ah ee Axaddii maanta dhex-maray, waxaana ku weheliyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexaan).

kulanProf: Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawrkii sano ee u dambeeyey u soo jeestay dhinaca Siyaasadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore markii uu Hargeysa ka soo degay shaaciyey in la gaadhay wakhtigii uu ku biiri lahaa mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda Somaliland.

Inkasta oo aanu jirin Xisbi uu weli si rasmi ah ugu biiray Axmed Ismaaciil Samatar, haddana waxa jira wadahadallo u dhexeeya isaga iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, iyadoo hadal-hayntu u badan tahay inuu ku biiri doono KULMIYE, haddana ma cadda ka uu ku biiri doono.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories