HomeKulan lagu xoojinayo joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa lagu qabtay iyo...

Kulan lagu xoojinayo joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa lagu qabtay iyo Wasiirka Cadaaladda oo ku hanjabay inay Maxkamad la tiigsanayaan ciddii ka dhego adaygta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 06 February, 2012 (SLpost)- Kulan lagu xoojinayo ololaha joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Kulan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka qayb galay Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Diinta iyo Awqaafta, Cadaaladda, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Salaadiin, Cuqaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Ardayda Jaamacadaha iyo saraakiil ka socday hay’adaha Samo falka caalamiga ah.

blankWasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa tilmaamay dhibaatada uu haweenka ku hayo gudniinka fircooniga ah iyo siyaabaha ugu haboon ee wax looga qaban karo  waxaana uu wasiirku sheegay in gudniinka fircooniga ahi ay diinteena Islaamku ka soo hor jeedo maadaama uu yahay sida uu xusay Ciqaab jidheed oo lagula kaco haweenka isla markaana uu distoorkeenu xaaraantinimaynayo wax kastoo wax yeelo ku ah bani’aadamka. Wasiirka Cadaaladda ee Somaliland Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ku hanjabay in cid kasta oo lagu arko inay ka dhego-adaygeen tallaabadan lagu tir-tirayo gudniinka Fircooniga ah, inay maxkamad la tiigsan doonaan.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in maanta adduunku uu garwaaqsaday gudniinka fircooniga ah ee  haweenka lagula kaco uu yahay xad gudub waxaanu bulshada Somaliland u soo jeediyay in laga koro ficilada ay diinteena suuban ee islaamku inaga maanacday, wasiirka awqaaftu waxa uu cadeeyay in Gudniinkani uu yahay waxyaabaha laga dhaxlay Fircoon iyo Shayaadiintiisii.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo madashaasi ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay dadaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan wax ka qabashada gudniinka fircooniga ah waxaanay sheegtay inay sameeyeen ololayaal ka dhan ah arrintan waxaa kale oo wasiirka qoysku ay intaas ku dartay qorshayaasha ay Xukuumadu arrintan ka leedahay.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sheegtay in dhibaatada gudniinka fircooniga ahi aanay ahayn wax ka qarsoon haweenka waxaanay waalidiinta u soo jeedisay in hablaha soo koraya laga daayo aafadan oo sannad kastaba kumanaan hablood noloshooda cidhiidhi gelisa gaar ahaan ayay tidhi xiliga foosha ay ku jiraan oo ay la soo dersaan ayay tidhi dhiig bax sababa inay geeriyoodaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo kulankaas ka qayb galay iyo mas’uuliyiin ka socday hay’ada Health and limited.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories