HomeKulan lagu qiimaynayo Wax-qabadka iyo hal-maalmeedka Wasaaradda Warfaafinta oo maanta Hargeysa ka...

Kulan lagu qiimaynayo Wax-qabadka iyo hal-maalmeedka Wasaaradda Warfaafinta oo maanta Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa kulan hawleed lagaga arrinsanayo qiimaynta wasaarada iyo waxqabadkeeda waxa uu maanta ka furay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa .

Kulan hawleedkan waxaa ka qayb qaadanaya sodon xubnood oo ka tirsan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, Madax qaybeedyada, la taliyayaasha gaarka ah ee Wasiirka Warfaafinta, Gudoonka  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo Xubno ka kala socday Dalada Dhallinyarada ee Sonyo iyo Akaadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland Kaas oo socon doona mudo sadex cisho ah.

Kulankan waxaa si gaar ah loogu eegi doonaa sida ay mas’uuliyiinta iyo hawl wadeenada kale ee wasaarada warfaafintu u ogaan lahaayeen halka ay xiligan taagan tahay Wasaaradu, Waxyaabaha u qabsoomay, waxa ka qabyada ah, dhibaatooyinka hortaagan iyo fursadaha ay haysato.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaarada mudadii ay xukuumada cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne axmed siilaanyo haysay talada dalka waxaanu xusay inay markii u horaysay ku guulaysteen in Telefishanka Qaranka laga daawado qaaradaha Yurub iyo Ameerica waxaa kale oo uu xusay inay dhawaan rakibi doonaan idaacad weyn oo dalka guud ahaantii wada gaadha taas oo Warar iyo Wacyigelinba ay ka heli doonaan shacbiga Somaliland isla markaana laga dhagaysan doono Guud ahaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo dalalka kale ee ka baxsan.

Agaasimaha guud waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan afar luqadood ay baahiso warbaahinta qaranku, hadana ay ku hawlan yihiin  mashruuc balaadhan oo lagu habaynayo laguna dayactirayo Studio-yaasha waaxyaha wasaarada.

Faysal Cali Sheekh waxa uu Xusay in wasaarad ahaan xidhidh ay la soo yeesheen wasaaradaha warfaafinta ee wadamada deriska inala ah sida jabuuti iyo Itoobiya, saxaafada madaxa banaan iyo hay’adaha shaqaalaha

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu waxaa kale oo uu sheegay inaan la dafiri Karin inay jiraan waxyaabo u baahan in si wada jir ah loogu hawl galo wax ka qabashadooda .

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa hadal uu madashaasi ka jeediyay waxa uu tilmaamay mudnaanta ay leedahay wasaarada warfaafintu iyo hawlaha ay qaranka u hayso wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii shaqaalaha wasaaradu ay si wadar ah hawsha qaranka uga soo dhalaali lahaayeen.

Wasiirka Wasaarada Warfaafintu waxaa kale oo uu iftiimiyay  inuu  awooda saari doono daryeelka shaqaalaha iyo agabka wasaaradda ku hawl gasho, isagoo intaas ku daray inuu u hawl gali doono sidii tababaro kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha ka hawl gala wasaarada warfaafinta loo heli lahaa.

Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” waxa uu cadeeyay in sababta kulan hawleedkan la isugu yimid ay salka ku hayso sidii loo heli lahaa waajibaad cad oo lagu wada shaqeeyo isla markaana lagu wada xisaabtamo, si loo ogaado ayuu yidhi halka aynu higsanayno.

Kulanka maanta ayaa waaxyaha wasaarada waxaa fursad loo siiyay inay warbixin ka jeediyaan kuna sharaxaan sida ay tahay marxalada shaqo,qalab, aqooneed,tababar iyo baahiyaha lagama maarmaanka u ah waaxyahooda, halka qaybaha hadhayna ay berri ka jeedin doonaan.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories