HomeKulan lagu Naaqishayo Xeerka Anshaxa Doorashada oo Maanta Hargeysa ka Furmay

Kulan lagu Naaqishayo Xeerka Anshaxa Doorashada oo Maanta Hargeysa ka Furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu faaqidayo xeerka Anshaxa saxaafadda ee doorka tebinta doorashada Goleyaasha deegaanka, ayaa maanta Magaalada Hargeysa uga furmay suxufiyiin ka socotay hay’adaha kala duwan ee warbaahinta dalka .

Kulankan oo muddo laba maalmood ah ka socon doona hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Afhayeenka Guddida doorashooyinka, guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta ururrada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Agaasimaha Telefishanka Qaranka, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Solja iyo Suxuufiyiin ka socotay hay’adaha Warbaahinta dalka.

blankUg furay isla markaana ugu horreynka hadlay Afhayeenka Guddida doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa ugu horreyn warbaahinta uga mahad-celiyey qaabka ay ula soo shaqeeyeen muddadii Guddidoodu xilka haysay.

Afhayeenku waxa uu taabtay waajibka saxafiga ka saaran ee laga rabaa uu yahay inuu war sax ah oo dhaba bulshada u gudbiyo oo uu kala sooco oo uu kala saaro warka dhabta ah iyo wixii faalo ah ee isagu uu qorayo si bulshadu war saxa u helaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Md Cabdirashiid Jibriil waxaanuu ka waramay ujeedada kulankan loo qabtay, waxaanuu xusay in dulucda kulankani uu yahay sidii ay saxaafaddu dhex ugu noqon lahayd Ururada iyo Axsaabta ku tartamaya doorashada degaanka ee dalka ka qabsoomi doonta.

Waxaanuu Agaasimaha guud intaa raaciyey, in xeerka anshaxana uu dhigayo sidee baynu u dhaqmaynaa intay doorashadu socoto iyo marka ay natiijadu soo baxadaba.waxa kale oo agaasimaha Guud uu sheegay in doorashadani aanay ahayn tii inoogu horaysay ee doorashooyin horeba aynu soo galay, tanina ay la mid tahay kuwii hore oo aanay inagu cusbayn.waxaanuu Saxafiyiinta kula dardaar-may in laga feejignaado wixii aynu u aragno in amniga iyo anshaxaba ay wax yeelo ku keenayso. Bulshada iyo ururadana ay u noqdaan gar-soorayal dhex u ah.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Xirsi Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn halkaa uga mahad naqay saxafadda sida ula soo shaqeeyeen mudadii ay dhisnaayeen komishan ahaan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddomiyaha Guddiga diiwaangelinta ururrada Cabdirisaaq Ciyaale iyo Sarkaal ka socday Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta oo kulan soo qaban-qaabisay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories