HomeKulan lagu dhiirrigelinayo Qaadhaan ururinta Deked laga dhisayo Lughaya oo lagu qabtay...

Kulan lagu dhiirrigelinayo Qaadhaan ururinta Deked laga dhisayo Lughaya oo lagu qabtay Boorame

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame (SLpost)- Kulan lagu lafo gurayay sidii ay qurba joogta gobolada Awdal iyo Salal ee Somaliland u sii laban laabi lahaayeen qaadhaankii loo ururinayay dhismaha Dekedd Lughaya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururka ARDAA ee magaalada Boorama waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha ururka ARDAA ee gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley, maayarka degmada Lughaya, xoghayaha dawlada Hoose ee degmada Lughaya iyo xubno ka mid qurba jooga ururka ARDAA ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo marti sharaf kale.

Sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha Gobolku, Guddoomiyaha degmada Lughaya ee gobolka Awdal Md Baxsane Siciid Aaye oo kulankani ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu rejo wayn yahay in qurba joogu ay balan qaadkaasi kaga dhabayn doonaan, waxaanu xusay guddoomiyuhu in ay maamul ahaan diyaar u yihiin dhulka abaal marinta ah ee ay ku balan qaadeen cid kasta oo ka qayb qaadata qaadhaan ururinta dekada Lughaya “Waan ku rajo waynahay in ay qurbo joogu ka soo bixi doonaan balanqaadkaasi ahaa in ay dhaqaajiyaan dhismaha dekeda Lughaya, Waxaanu anaguna diyaar u nahay in aanu ka soo baxno balantii aan qaadnay ee ahayd in aan bixino dhul aanu abaal marin uga dhigayno cid kasta oo ka qayb qaadata hawlaha dekeda, waxa aan ku kalsoonahay in aan fulin doono balanqaadkayagaa, waaana hawl waajib ah oo dhamaantayo noowada taala in aan dhaqaajino riyada ay qabaan dad badan oo reer Awdal iyo Salal ah.” Ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Lughaya.

Guddoomiyaha ururka ARDAA ee gobolka Awdal Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi oo kulankani ka hadlay ayaa ka waramay u jeedada kulankan ay u qabteen iyo waxyaabaha ay doonayaan in uu ka soo baxo, waxaana uu xusay Dr C/raxmaan in ay kulankan doonayaan in ay ku dhiiri geliyaan dardargalinta hawsha qaadhaan ururinta dekeda Lughaya isla markaana ay xukuumada kala hadlayaan in la meel mariyo balanqaadyadii ahaa in dhul degeenka Lughaya ku yaala la siiyo cid walba oo ka qaybqaadata qaadhaan bixintaasi oo uu xusay in cidii bixisa $1000 ay heli doonto jago uu cabirkeedu yahay 30×30.

Dr C/raxmaan waxaa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay qaadhaankaasi loo ururinayo dhismaha dekeda Lughaya, isaga oo guddoomiyuhu u mahad naqay dadkii hore uga qayb qaatay qaadhaan ururinta ee ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Guddoomiyaha ururka ARDAA ee gobolka Awdal Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay ururkooda mudadii uu jiray, isaga oo sheegay in ay wadaan sidii ay u keeni lahaayeen Injiineero qiimayn ku sameeya meesha ku haboon ee laga dhisayo dekada “Waxaan wadnaa sidii loo keeni lahaa injineero ku haboon oo qiimayn ku sameeya halkii dekeda laga dhisi lahaa waxana aan ku rajo waynahay in ay dhawaan yimaadaan hadii ilaahay idmo hawshaasina waa waxqabad muuqda oo meel mar ah.” Ayuu yidhi Dr C/raxmaan.

Marwo Sahra Janaale oo ka mid ah qurba jooga ururka ARDAA ee dalka Ingiriiska oo kulankani ka hadashay ayaa sheegtay in ka qayb qadashada qaadhaanka loo ururinayo dekeda Lughaya ay tahay arrin waajib ah oo saaran qofkasta oo muwaadin ah, waxaanay si cad u qeexday xidhiidhka ka dhaxeeya wadaniyada iyo balanqaadyada la siinayo dadka ka qayb qaata hawsha qaadhaan ururinta la doonayo in lagu dhiso dekada Lughaya waxaanay tidhi “ Waa arrin muhiim ah in la kala qaado balan qaadka iyo wadaniyada, qof walba waa ku waajib in uu ka qayb qaato dekeda dhismaheeda waana arrin wadaniyadeed, arrinta balanqaadka waxa uu ahaa in qof kasta oo bixiya $1000 ugu yaraan ama haba ka badnaatee ay heli doonto jago 30×30 ah oo dhiiri galin ah, waa riyo ay dadka degaanada Awdal iyo Salal qabaan inay arkaan dekeda Lughaya oo ay ku soo xidhaan maraakiib waa wayn waana bilawga hirgelinta riyadaas hawlaha maanta socdaa.”

Sh. Xasan Daheeye Axmed oo ka mid ahaa culimadii kulankaasi ka soo qayb galay oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday sida uu Eebe u amaanay in dadku ay iscaawiyaan isla markaana ay wax bixinta ku deg-dagaan marka ay arrimuhu yihiin kuwo dan guud ah oo loo wada baahan yahay.waxaa kale oo uu Sheekhu tilmaamay in loo baahan yahay in aan wax bixinta shuruud looga dhigin abaalmarin loo baahan yahay in loo bixiyo sida ugu dhaqsaha badan.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories