HomeKulan lagu dhiiro-gelinayo maalgeshiga Ganacsatada ee dhanka beeraha oo maanta Hargeysa ka...

Kulan lagu dhiiro-gelinayo maalgeshiga Ganacsatada ee dhanka beeraha oo maanta Hargeysa ka Furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Kulan lagaga hadlayey maal-gashiga ganacsata ee dalka ayaa maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa. Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa soo qaban qaabiyey dallada Beeraha ee KAAFI Umbrella waxaana maalgelisay shirkada wadaniga ah ee AL-NOUR Furniture.

Furitaankii shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Beeraha, Agaasimaha samofalka madaxtoooyada, gudoomiyaha ururka ODHA, Xoghayaha guud ee golaha guurtida, xildhibaano ka socday golaha wakiilada, gudoomiyaha jaamacadaha Gollis, Agaasimaha qorshaynta ee wasaarada qorshaynta iyo qanacsato tiro badan oo ay ka mid ahaayeen DAHABSHIIL, SOMTEL, TELESOM, AL-NOUR, ASLI MILS, RAMAD MILK PRODUCTION, SOMGAS, OOMAAR iyo NATIONLINK.

Waxa kulankan furay wasiirka wasaarada Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole waxaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mudo kooban uu shirkii 2aad kala qayb galo una furo Dalada beeraha ee KAAFI waxaanu soo dhaweeyey daladan oo uu sheegay inay wax badan ka bedelyso horumarka dalka iyo guud ahaan feildka beeraha,

Wasiirka wasaarada beeruhu waxa uu sheegay in maalgashiga guduhu uu aad uga muhiimsan yahay ka debeda kaaga yimaada iyo in aad cid wax ka sugto waxaanu dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dalada abaabulay uu u soo jeediyey in aan laga nasan ka midho dhalinta ka wasaarad ahaana waxa uu sheegay in daladaasi tahay mid ay si weyn ula shaqyn doonaan.

Waxa wasiirka ka horeeyey oo faahfaahin ka bixiyey barnaamujka iyo Daladaba agaasimaha dalada mudane Cabdixakiin Jaamac Caalin waxaanu ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay ka midho dhalinta quudinta mustaqbalka ee dalkeenu iyo in gacan layska siiyo sidii umadeena loogu baraarujin lahaa dhamaanteena aynu uga qayb qaadan lahayn.

Waxa iyaguna madasha ka hadlay xoghayaha guud ee golaha guurtida C/laahi Habane, C/raxmaan Xaaji nour oo ka socday Shirkada maalgelisay ee Al-Nour, agaasimaha samofalka madaxtooyada Marwo Amina Maxamud Diiriye Faadummo Siciid, Gudoomiyaha jaamacada Gollis, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada Qorshaynta iyo masuuliyiin kakala socday shirkadaha ganacsiga waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeeen fikirkan Quudinta Mustaqbalka(Feed the Future) ee ay dalada beeraha ee Kaafi bilawday waxaanay u balan qaadeen wadashaqayn joogto ah.

Aakhirkii maalinta koobaad ee shirkan waxa Gudoomiyaha dalada beeraha Mudane Suleymaan Cabdisitaar Dubad uu  shahaadooyin gudoonsiiyey wasiirka wasaarada beeraha iyo shirkadaha Nationlink, Al-Nour iyo Dahabshiil waxaanu halkaa ugaga mahadceliyey dadaalka ay umada u hayaan iyo dhiiri gelintooda joogtada ah.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories