HomeKulan lagu darsayo Xeerka Qabyo qoraalka ah ee Hay'ada Dhawrista Tayada agabka...

Kulan lagu darsayo Xeerka Qabyo qoraalka ah ee Hay’ada Dhawrista Tayada agabka oo Hargaysa ka Furmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada wasaaradaha Biyaha iyo Kalluumaysiga Somaliland ayaa maanta ka qayb galay kulan labo maalmood soconaya oo lagu gorfaynayo qabyo qoraalka xeerka hay’adda dhowrista tayada agabka ee Somaliland.

Diyaarinta xeerkan oo ay iska kaashadeen hay’adda tayada iyo hay’adda Terra-Nouva ayaa kulanka lagu gorfaynayo oo ay ka qayb qaadanayaan shan iyo Konton xubnood oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha kala ah wasaaradaha Biyaha, Caafimaadka, Beeraha, Ganacsiga, qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ururka ganacsatada dawooyinka, xubno ka tirsan golayaasha Qaranka iyo xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka.

Gudoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Md Cali Maxamed Cabdala (Biikolo) ayaa tilmaamay ujeedada xeerkan laga leeyahay , halka uu sidoo kalena xusay in waajibaadka hay’adiisu ay tahay inay kaantaroosho isla markaana la socoto dhamaan agabka dalka soo gelaya sida sharaabka cuntada, dawooyinka IWM. lama huraana ay noqotay in la helo xeer hay’aaddu ku shaqayso oo caddeeya waajibaadka iyo awoodda hay’adda si ay u gudato waajibaadkeeda iyadoo laga duulayo soo jeedintii golaha wakiilada Somaliland eek u saabsanayd in la soo gudbiyo xeerarka ay ku shaqeeyaan hay’adaha dalka qaarkood oo ay ka mid tahay hay’adda ilaalinta tayada agabka.

Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada Cali Biinkalo oo arrimahaas ka hadlaya wax uu Yidhi “Sidaad la Wada Socotaan aasaaska Hay’ada Dhawrista Tayadu wax uu ku yimid baahi jirtay oo ku saabsan sidii loo heli lahaa hay’ada Ilaalisa oo la socota dhamaanba agabyada kala duwan ee dalka yimaada” Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Wadamada Horumaray ay hay’ada Tayada agabka ka dhigaan kuwooda u horeeya ee dhismaha dawladnimo waxaa kale oo uu Xusay inay lama huraan tahay sidii ay u heli lahaayeen wixii lagu ogaan lahaa Tayada agabka dalka soo galaya amase lagu isticimaalo si ay bulshadu ugu kalsoonaato.

Gudoomiyaha Hay’ada Ilaalinta Tayada agabka oo ka hadlaya Xeerkan ayaa yidhi “Waxaanu soo diyaarinay Xeerkan qabyada ah oo ka kooban laba Qaybood oo ka Kowaad yahay aasaaska hay’ada,Waxyaabaha ku saabsan awoodaha iyo Maamulka hay’adan halka qaybta danbe ay tahay mid ka hadlaysa habka heer tayeedyada loo maamulo”.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Xuseen Axmed Cabdule oo Madashaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay dhibaatooyinka Shacabka ka soo gaadha agabka wakhtigii isticimaalkoodu dhacay,waxaanu xusay in xili uu lahaa Meherad farmasi uu si aad ah isaga ilaalin jiray daawooyinka wakhtiga Isticimaalkoodu dhacay ee khatarta ku keenaya nolosha bulshada, Wasiirku waxa uu soo dhaweeyay Xeerkan oo qayb weyn ka qaadanaya Dhawrista Tayada agabka dalka soo Gelaya .

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga Cali jaamac Buureed ayaa kulankaas ka caddeeyay baahida loo qabo xeer lagu kala saaro agabka ganacsi ahaan dalka u soo gelaya.

Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen garyaqaanka guud ee qaranka, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo gudoomiyaha ururka ganacsatada dawooyinka soo dejiya ee Somaliland, iyo Sarkaal Sare oo ka Tirsan Hay’ada  Terra-Nouva ayaa dhamaantoodba ku nuux nuuxsaday ahmiyada Xeerkan Qabyada ah isla markaana dardargelinaya habsami u socodka hawlaha Shaqo ee hay’adda dhowrista tayada agabka ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories