HomeKulan Lagaga Hadlayay Kaalintii ay haweenka ka qaadan karaan Siyaasadda oo lagu...

Kulan Lagaga Hadlayay Kaalintii ay haweenka ka qaadan karaan Siyaasadda oo lagu qabtey Borama

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Boorame (SLpost)-Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal waxaa maanta ka furmay kulan balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda Haweenka ee Negaad kaas oo lagu gorfaynayo sida ay haweenka Somaliland qaab muuqda ugaga qayb qaadan lahayeen siyaasadda iyo hogaaminta waddanka.

Kulankaas oo lagu martigeliyey hotel MANA GUEST HOUSE oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha bulshada ee Gobolka Awdal sida salaadiinta, Culima’udiinka iyo waxgarad kale ayaa waxa furay Xoghayaha Gobolka Awdal Md Asad Cabdi Jaamac oo halkaa ka sheegay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin bulshada.

Xoghayahu waxa uu xusay in haweenku ay u debacsan yihiin dadka jilicsan iyo daryeelkooda taasina ay inagu dhiirrigelinayso inaynu fursad ka siino hogaaminta dalkeena.

Sh. Xaamud Axmed Nadiif isuduwaha wasaaradda diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Awdal oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay diinta islaamku xuquqda dhamaystiran u siisay haweenka taasoo ay qayb ka tahay ka qaybgalka talada umadda, halka uu sidoo kalena xusay in haweenka oo ah qaybta u badan bulshada ay u baahan yihiin inay ixtiraam helaan.

borama

Marwo Caasha Xasan Cali oo ka socotay daladda haweenka ee Negaad ayaa ka warantay qorshaha ay haweenka Somaliland ku doonayaan ka qaybgalka siyaasadda dalka iyo inay kuraas Kootto ah ka helaan golayaasha qaran iyo kuwo heer deegaan, waxana ay ku wargelisay ka soo qayb galayaasha in dhammaan gobolada Somaliland lagu qabtay kulamada noocan ah guulo badana ay ka soo noqdeen.

Culima;udiinkii iyo waxgaradkii soo xaadiray kulanka ayaa muujiyey dareenkooda ku saabsan qorshahani waxana ay sheegeen inay taageersan yihiin dadaalada ay haweenka Somaliland wadaan, iyagoo ballanqaaday inay taageerayaan qorshe kasta oo ay haweenka Somaliland kaga qayb gelayaan siyaasadda dalka iyo hogaminta isla markaana kuraas aan tartan ku xidhnayn ay kaga helayaan golayaasha qaranka iyo kuwa deegaanka.

Somalilandpost.net

Borama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories