HomeKulan iyo wada-hadal dhexmarey Dallada SONYO iyo Golaha Qaran ee Dhallinyarada dalka...

Kulan iyo wada-hadal dhexmarey Dallada SONYO iyo Golaha Qaran ee Dhallinyarada dalka Yugaandha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kampala (SLpost)- Hoggaanka Dalladda Dhalinyarada ee SONYO iyo xubno ka tirsan Guddida Fulinta, ayaa Safar shaqo oo saddex maalmood qaadanaya ku tagay dalka Yuganda.

Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dallada SONYO, mudane, Mubarak Ismail Taani ayaa socdaal shaqo ku jooga caasimada Kampala ee dalka Yugaandha halkaas oo waftiga Dallada Dhallinyaradda SONYO kula kulmi doonaan dhinacyo badan oo isugu jira hay’adaha dawliga ah ee dhallinyaradda qaabilsan ee dalka Yugaandha, hay’adaha qaramada midoobay ee dalka Yugaandha ku yaala, ururada dhallinyaradda Yugaandha, safaarado dalal dhawr ah oo Yugaandha ku yaala iyo jaaliyadda reer Somaliland ee Yugaandha. Waxaa sidoo kale kulamo is-xog wareysi ah yeelan doona ardayda reer Somaliland ee dalka Yugaandha wax ka barata iyo waftiga dallada dhallinyaradda Somaliland ee SONYO.

Waftiga Dallada SONYO ayaa ah 7-xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Dallada SONYO, madaxa guddida kormeerka iyo qiimeynta (Monitoring and Evaluation) ee Golaha Sare, madaxa guddida isku-xidhka iyo isku-dubaridka (Coordination), laba xubnood oo ka tirsan iyaguna Golaha Sare, agaasimaha fulinta ee dallada iyo la taliyaha SONYO ee dhinacyada barnaamijyada (capacity-building and programme adviser). Sidoo kale waxaa iyaguna kulamada waftiga SONYO ku wehelinayay wakiilada dallada SONYO ee dalka Yugaandha, Xasan Miisaan iyo Xasan Cabdi Shire.

Haddaba waxaa kulan dheer oo is-barasho iyo iskaashi ah yeeshey dallada SONYO waftiga ka socda iyo Golaha qaran ee Dhallinyaradda Dalka Yugaandha (Ugandan National Youth Council). Kulankan oo ahaa mid si weyn loogu lafo-gurey iskaashiga dhexmari kara dhallinyaradda Somaliland iyo ta Uganda ayaa qaatey muddo saddex saacadood ah.

Waftiga Dallada SONYO ayaa si weyn uga xog-waramay hanaanka dawladnimo iyo dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyagoo waftigu xog-waran guddo-balaadhan ka bixiyey qaranimada iyo hanaanka horumarineed ee Somaliland. Hoggaanka Golaha Qaran ee Dhallinyaradda Yugaandha (Ugandan National Youth Council) ayaa soo dhaweeyey socdaalka dallada SONYO ku timid dalka Yugaandha iyagoo muujiyey inay xidhiidh adag iyo wada-shaqeyn dhaw la yeelan doonaan dallada SONYO iyo dhallinyaradda Somalilandba.

Waxaa sidoo kale labada dhinac wadaageen xogo ku wajahan hanaanka shaqo ee ay u hawlgalaan iyo sidoo kale himilooyinka fog ee ay hiigsanayaan. Wada-hadal dheer iyo fikrado isweydaarsi ka dib waxay labada dhinac isla af-garteen kuna soo gunaanadeen kulankoodan qoddobadan soo socda:

  • In labada dhinac yeeshaan xidhiidh dhaw iyo wada-shaqeyn toolmoon oo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba leh ;
  • In labada dhinac ka hawlgalaan sidii ay horsed ugu noqon lahaayeen dedaalada dhallinyaradda bariga Afriki ugu jiraan horumarinta iyo kobcinta bariga Afrika iyo inay noqdaan kuwo hanoqaada oo qabta hoggaaminta Bariga Afrika isla markaana horumar balaadhan u horseeda dhammaan qaarada Afrika oo ay labada dhinac isla garteen inay u jeelan tahay kheyraad bani-aadam oo leh tamar iyo tayo ay ku hantaan qaaradooda kuna horseedaan nolol tayo leh iyo horumar is-gaadhsiisan oo dhaqan-dhaqaale.
  • In labada dhinac is-weydaarsadaan kulamo iyo booqashooyin iyo sidoo kale mashaariic horumarineed oo ay labada si wada-jir ah oo mataaneysan u hirgaliyaan.
  • In labada dhinac ay horseedaan isla markaana si weyn uga hawl-galaan sidii labada wasaaradood ee dhallinyaro ay u yeelan lahaayeen xidhiidh iyo wada-shaqeyn dhaw isla markaana ay u horseedi lahaayeen xidhiidh adag oo dhexmara labada dawladood ee labada dal.
  • In labada dhinac ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhada ka dhexeeya hay’adahooga qaabilsan ciyaaraha si ay labada dal u yeeshaan tartano ciyaareed oo saaxiibtinimo.

Ugu dameyntii kulanku waxaa uu ku dhammaaday jawi haboon iyo guulo laga gaadhay ujeeddooyinkii laga lahaa. Golaha Qaran ee Dhallinyaradda Yugaandha waxaa ay waftiga SONYO la kulansiin doonaan xubno ka tirsan masuuliyiinka Yugaandha si ay usii adkeeyaan wada-hadalka dhexmarey isla markaana ugu sahlaan wafitga inay kulamo wax-ku-ool ah la sameeyaan dhinacyo badan.

 

Waftiga Dallada SONYO ee Yugaandha

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories