HomeKulan-Diimeedka Ugu ballaadhan Bariga Afrika lagu Soo Gunaanaday Magaalada Hargeysa

Kulan-Diimeedka Ugu ballaadhan Bariga Afrika lagu Soo Gunaanaday Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

latest SL newsHargeysa (SLpost)- Masaajidka Ijtimaaca ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay subaxnimadii lagu soo gebo-gabeeyey kulan diimeed ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen Muslimiin lagu qiyaasay Shan iyo toban kun oo qof oo isaga kala yimi Caalamka oo dhan oo ay ku jiraan deegaamada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo muslimiinta badhkood ku kulmaan Markiskooda ugu weyn Bariga Afrika oo ku yaala magaaladda Hargeysa, ayaa socday muddo saddex cisho ah, waxaana intii uu socday dadka la xusuusiyaa Cibaadada iyo U-dhawaanshaha Eebbe iyo Sunnihii Nebi Muxammad, isla markaana wanaaga iyo waxyaalaha ay ajarka ka helayaan ku dhaqmaan, waxaana maalintii Salaasadda ee bisha 18-ka June si rasmi ah u furay Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo Muslimiinta ku waaniyey ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka Asluubta suubban ee diinta musliminka.

Kulanka Muslimiinta oo ay soo abaabuleen Dariiqada Tabliqiinta, ayaa muslimiin aan la qiyaasi Karin ka soo qaybgaleen saddex maalmood ee uu socday, waxaana dhamaan la buuxiyey labada dabaq ee masaajidku ka kooban yahay, dhismayaasha Jaamacadda ee masaajidka  iyo deyrka weyn ee ku xeeran masaajidka, iyadoo dadkii martida ahaana ay masaajidka u hoydeen halka dadweynaha Hargeysa iyo inta u dhow ee ka qayb-galay ay buux dhaafiyeen barxadda weyn ee masaajidka, kuwaas oo ilaahay ku caabadayey, isla markaana dhaxantii iyo dabayshii dhacaysay illaahay dartood ugu samay si ay u dhagaystaan wacdiga iyo hadalka qiimaha leh ee culimadu ku baraarujinayeen.

Muslimiinta Tabliqiinta ah ayaa inta badan ku dadaalaa inay qof kasta ugu yeedhaan kuna baraarujiyaan diinta, iyada oo dadka aan Saladaha tukanin iyo kuwo wakhtigooda ku lumiya faakahaysiga ugu taga goobaha ay fadhiyaan si ay ugu baraarujiyaan Naxariista Diinta iyo Cibaadada Eebbe.

Sidoo kale, waxa sanadkan ugu badnaa Soomaalida timi muslmiin ka socotay deegaanka Soomaalidda ee Itoobiya, iyadoo dad lagu qiyaasay ilaa afar kun oo qof ka yimaadeen dalka Itoobiya, kuwaas oo isugu jiray Muslimiinta qoomiyadaha kala duwan ee dalkaas isugu jiray.

Muslimiinta kulankan ka soo qaybgalay ayaa iskugu jira dhalinyaro, waayeel iyo dad da’doodu meel dhexaad tahay, kuwaas oo dar Illaahay usoo baxay isla markaa  wejiyadooda ka muuqatay inay nooleeyaan diinteenna, waxaana sannad-walba kulankaasi shimbir u noqdaa dad badan oo aanay hore isugu wanaagsanayn Ilaalinta waajibaadka cibaadada ee Eebbe Kor yeelay Qof kasta oo Muslim ah, Qaan-gaadh ah, Caqligiisuna fayow yahay.

Intii uu socday kulankani, Culimo waaweyn oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa ka sheekeeyey qiysoosin badan oo wax lagu qaadan karo, kuwaas oo ka qiiraysay dhammaan Muslimiintii isugu timi Kulankaas oo sannad-walba kumanaan kun oo Qof kulmiya.

Kulanka waxa ka soo qayb-galay madax kala duwan oo kala socday dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo isugu jiray Xildhibaanno, Wasiirro iyo Xisbiyada Somaliland oo wacdiga dhagaysanayey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories