HomeKulan lagu lafa-gurayo Xeerka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa oo maanta Hargeysa...

Kulan lagu lafa-gurayo Xeerka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa oo maanta Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 06 March, 2012 (SLpost)-Shir-ballaadhan oo lagu gorfeenayo maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuq maasuqa ayaa mudanayaasha labadda Golle Baarlamaan ee golaha Guurtidda iyo Wakiiladda Somalilandmaanta uga furmay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa ah mid lagu soo bandhigayo isla markaana lagu falanqayn doono cawaaqib xumadda ay lee dahay musuq maasuqu iyo muhiimadda wanaagsan ay lee dahay maamul wanaagu, waxana sidda la sheegay uu kulankani socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Ugu horeyn waxa shirkaasi hadlay dhiiri-gelin ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxana uu sheegay in uu shrkani diiradda saarayo xeer horre loogu soo gudbiyey labadda golle oo ah xeerka maamul wanaagga la dagaallanka musuq maasuqa, waxana uu intaasi ku daray in uu kulankani muhiimad gaar ah u lee yahay xildhibaanadda golyaasha Somaliland.

Gudoomiye Cabdillaahi Cirro waxa uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay lee dahay maamul wanaagu, waxana uu sheegay in haddii maamulku wanaagsanaaddo ay wax kasta hagaagi doonaan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu sheegay in Musuqmaasuqu yahay aafo qaran, waxana uu si adag ugu hadlay dhibaatadda uu leeyahay musuq maasuqu, isaga oo tilmaamay in dalal badan oo ka mid ah Afrika ay la daalaa dhacayaan dhibaatadda muqusmaasuq.

Isna waxa madasha hadal ka soo jeediyey Cali Yuusuf oo ka socday hay’adda UNDP ayaa sheegay  in musuqmaasuqu yahay dhibaatadda curyaamisa dalalka, waxana uu tilmaamay in Somaliland aanay ka jirin musuqmaasuq laxaad leh “Dadka arrimaha gobolka wax ka eegaa waxa ay leeyihiin Somaliland waa meelaha ugu musuq maamusqa badan laakiin anigu sida ma aaminsani.”Sidaa ayuu yidhi Cali Yuusuf waxana uu intaas ku daray “Maaha wax fudud in wax laga qabto musuq maasuqa waayo waxaa dhici karta in dadka musuq-maasuqaasi lugta ku lihi inay ku jiraan dadka awoodda ku leh maamulkas sidaa darteed maaha wax sahlan.”.

Xuseen Cabdillaahi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamul- wanaaga iyo La-dagaallanka musuq maasuqa oo ka hadlay kulankaasi ayaaa sheegay in uu musumaasuqu yahay dhibaato qaran waxana uu intaasi ku daray in uu musuqmaasuqu keeno maamulka oo xumaada sidaa darteed hadii uu maamulku xumaadu inay qasab noqonayso inuu yimaaddo musuq maamusqu waxana ka mid ahaa hadaladdiisii “Sababta aanu idiinku yeedhnay maaha inaanu seminar idin siino waa inaan si wadajira isula falan qayno wax kaqabashada arrimaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa” .

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo si wadda jir ah loogu qabto labadda golle qaran eeSomaliland.

SLpost.net

info@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories