HomeKulan Dhexmaray Madaxda Axsaabta Qaranka iyo Ergayga Turkiga u Qaabilsan Wadahadalka Somaliland iyo...

Kulan Dhexmaray Madaxda Axsaabta Qaranka iyo Ergayga Turkiga u Qaabilsan Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(Ramaas)- kulan dhexmaray madaxda axsaabta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ergayga dalka Turkigu u magacaabay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Madaxda Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, kulankaas oo ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Turkigu ku leeyahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee jimvihii maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2015.

 

Kulanka labada dhinac dhexmaray waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaysay marwo Faadumo Siciid, halka dhinaca dalka Turkiga-na ay ka socdeen Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, Qunsulka Guud ee Turkiga u jooga Hargeysa Mr. Muzaffer Yükseliyo madax kale.

Madaxda Axsaabta Somaliland, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, kulanka ay la yeesheen diblomaasiyiinta ka socday dawladda Turkiga, waxa lagaga hadlay sii xoojinta cilaaqaadka siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, isu socodka dadweynaha iyo saaxiibtinimo ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Turkiga, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada-xaajooday  wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Arrimaha Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay kala hadleen ergayga Turkiga, soona jeediyeen, waxa ugu muhiimsanaa qodobo ay ka mid ahaayeen;

– In wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan qaar natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo

– In  dawladda Turkigu dhex u noqoto arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada;

–  Mucaawanada ama dhaqaalaha oo ay u arkaan in si sad-bursiimo ah Soomaaliya u hesho

–  Arrimaha Siyaasadda

–  Dhexdhexaadinta wadahadalka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya

– In intii ay socdeen wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wixii lagu heshiiyey ay ka fuli waayeen dhinaca Muqdisho, taasina caqabad ku tahay wadahadalka gogoshiisa ay dhigtay dawladda Turkigu

– Waxa kaloo labada xisbi u caddeeyeen Ergayga Turkiga in mowqifkooda wadahadalladu yahay inay ka soo baxdo madaxbannaanida Qarannimada Somaliland, isla markaana aanay wax ka sokeeya marnaba aqbalayn.

Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta kale ee wehelinayey waxay u mahadceliyeen madaxda axsaabta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ballanqaadeen;

– In dawladda Turkigu ay dhexdhexaad ka noqonayaan arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

– In Dawladda Turkigu ay ballaadhinayso qunsuliyadooda Hargeysa oo ay diyaar u yihiin inay wax badan ka qabato tabashooyinka Somaliland qabto, una raadiyaan xal u cuntama reer Somaliland

v In Turkiga iyo Somaliland yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo sii socda.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories