HomeKulan ay Goob Joog ka ahayd Dawladda Kuwait Oo Lagu Soo...

Kulan ay Goob Joog ka ahayd Dawladda Kuwait Oo Lagu Soo Shaaciyey Guul laga Gaadhay Dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu soo shaaciyey in madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport uu dib u habayntii lagu sameeyay waafaqsanayd heerarka caalamiga ah ee madaarrada, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Ha’yadda shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiiladda, Wakiillo iyo khubaro ka socday Dawladda Kuwait ee maal-gelisay cariyaynta madaarka Hargeysa, wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo dadweyne tiro badan. Waxa  kulankaasi tafaasiil lagaga bixiyay marxaladihii uu soo maray madaarka Hargeysa, iyadoo daboolka laga qaaday inaanay jirin wax tayo xumo ah oo ka jirtaa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay kulankaasi  ayaa sheegay In wararka aan saxda ahayn ee laga baahiyay Madaarka Hargeysa ay ka dhalatay xog la’aan haysay siyaasiyiintii dhaliilayay.

wasiirka“Munaasibaddan waxaannu ugu tallo-galnay in bulshada xog dheeraad  ah ka siino sidii uu u qabsoomay mashruucii casriyaynta Madaarka caasimadda ee Cigaal Intertional Airport, oo beryahan dambe iyadoo aan xagayaga xog laga helin dacaayado faro badan laga fidiyay. Daraasad ayaanu samaynay  si aanu u ogaano darreenkan laga bixiyay mashruucan. Waxa uu u badan yahay xog  la’aan. Waxa ka warami kara mashruucan khubarradii gacanta ku haysay iyo Injineero aqoon u leh, siyaasiyiin fadhi ku dirir meheradoodu tahay iyo rag nuxurkoodu ku ururay maxaa wax wanaagsan loo qabanayaa oo loo horumarayaa. Mashruucan kama warami karaan.”

Wakiilka Kuwait Fund  iyo Ha’yadda NARCO  Dr.Nabeel Abdulraheem isla markaana u qaabilsan oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay In  casriyaynta Madaarka Hargeysa  u hirgalay sidii loogu tallo-galay. Waxaanu cadeeyay  inaanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday, iyadoo uu sheegay in maamulka lacagtaasi iyo sidii loo fulinayayba ay maamulaysay khubarro ka socota dawladda Kuwait.

kulankaWasiirka Qorshaynta qaranka  Md. Sacad  Cali Shirre oo ka hadlay kulankaasi ayaa   wasaaradda duulista ku majeertay inay horumar ka samaysay dib u habaynta madaarrada Hargeysa iyo Berbera oo uu ku dooday inay yihiin kuwo mustawahoodu yahay heer caalami.

“Madaarrada Hargeysa iyo Berbera marka loo eego sidii ay ahaayeen 2010-kii runtii farqi weyn ayaa u dhaxeeya halkay maanta taagan yihiin, waana madaarro caalami ah, waxa halkan laga cadeeyay in garoonka Hargeysa leeyahay tayadii laga rabay. Waxa kale oo la cadeeyay in aanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday dib u habayntii madaarka Hargeysa.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax, oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dib u habaynta madaarka Hargeysa iyo xaaladiisa xiligan oo uu tilmaamay inuu noqday madaar caalami ah oo ay soo fadhiisan karaan diyaaradaha xajmiga weyni.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories