HomeKulamo lagu gorfeeyey Qodobbo Xaasaasi ah oo Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Kulamo lagu gorfeeyey Qodobbo Xaasaasi ah oo Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLposgt)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Wara-cadde oo uu weheliyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan qodobbo xaasaasi ah lagaga hadlay kula yeeshay Masuuliyiinta ugu sarreysa laamaha ammaanka dalka Ethiopia.

sawirro (1)Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Kenya oo ay kulamo kula qaateen dibloomaasiyiin iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Safaaradaha waddamada Reer Galbeedku ku leeyihiin magaalada Nairobi, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, waxaanay halkaas kulamo gooni-gooni ah kula qaateen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha Guud ee Ciidamda Itoobiya Gen. Samora Yenus iyo Maayarka magaalada Addis Ababa, Kuma Demksa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.

sawirro (4)Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen masuuliyiinta dhanka Amniga ugu sarreysa ee labada dal, haseyeeshee sida war-saxaafadeedka lagu sheegay in kulamadan oo hore loo sii qorsheeyey ay kaga wada-hadleen arrimo khuseeya xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada waddan, sida nabadgelyada, horumarinta iyo Iskaashiga.

Waxa uu warku intaas ku daray in kulamada masuuliyiinta labada waddan oo muddo saacado ah socday layskula qaatay sii xoojinta Iskaashiga labada waddan isla markaana meel looga soo wada-jeesto wax kasta oo dhaawac gaadhsiin kara xasiloonida, nabadgelyada iyo iskaashiga mandaqadda.

sawirro (3) sawirro (2)

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories