HomeKu-xigeenka Wakiilka Xoghaha Guud ee QM oo Hargeysa yimi iyo Nuxurka Kulamo...

Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaha Guud ee QM oo Hargeysa yimi iyo Nuxurka Kulamo uu la qaatay Madaxda Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

blankSidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ku leedahay Hargeysa, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Md. Adam Abdel moula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha bani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland.

Wuxuu sidoo kale kulamo la mid ah la qaatay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Adam wuxuu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999  ilaa 2002, hase ahaatee safarkani waakiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo.

Md. Adam Abdel moula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdel moula wuxuu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynu ognahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshadu” ayuu yidhi Adam. Wuxuu intaa raaciyey “Taasi maaha wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.”

blankKadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” wuxuu yidhi “Waxaan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto-dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”.

Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdel moula wuxuu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM..”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories