HomeKU JOOG AMMA KA JOOG AF SOOMAALIGA

KU JOOG AMMA KA JOOG AF SOOMAALIGA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ugu horrayn, waxaan ka baryayaa inuu inaga jabiyo abaaraha ina saameeyey dad, xoolo iyo beeraba. Waxaanan ku boorrinayaa bulshadu inay taakuleeyaan wixii karaankooda ah umadda tabaalaysan.

Waxay ahayd badhtamihii siddeetamaadkii, goobtuna waxay ahayd guryihii fanaaniinta ee tiyaarka ka dambeeyey. Waxaanan fadhinay guriga Khadra Daahir Cige. Waxaanan wada Cabdi Aadan Xaad Qays. Markaa Isagoo Cabdi Qays ka sheekanaya sidii markii hore lagu xidhay iyo sidii lagu sii daayey ayaa wuxuu yidhi ‘afkaaga oo ku xidha oo ku furi waaya afku go’ baa la yidhaahdaa’. Waxaan ka soo qaadanaynaa oo aan

uga jeedaa, akhyaartaas Ilaahay ha sharfee, in ku hadalka luqadaha iyo sida ay aynu u isticmaalno ay dareen xun amma mid wanaagsan keeni karto saamayna ay ku yeelanayso nolosheena iyo maskaxdeena kolba sida aynu u adeegsanaa. Sidoo kalena waxay Soomaalidu tidhaahdaa ‘afSoomaaligana la kala odhan og Allena la kala baryi og’. Waxaana baryahan afkeena ku soo badanaya kalmad haddii aynaan afkeena ka dhowrin cuuryaamin karta maskaxdeena, higsigeena iyo nolosheenaba sidaan qabo. Kalmadaasi oo ah waa mushkilad, kalmadaasi oo asalkeedu af Carabi yahay loogana jeedo ‘dhibaato’. Marka wax kasta oo ina soo wajaha aynu caadaysano isticmaalka waa mushkilad, waxa iska yar waxa aynu qaban karno, oo waxaynu dabraynaa awoodeena. Sida ay sheegaan imikina culimada Cilmiga Maskaxda baadhaa, waxa ay guushaadu ku xaddidan tahay kolba fikirka aad qabto iyo sida aad wax u aragto iyo hadalka aad ku hadasho. sidaa awgeed, Afkaaga ka ilaali kalmada ‘mushkilad baa I haysata’, waxaanad ku bedeshaa ‘waa carqalad meel ku gaadh ah oo xalili karo oo u baahan wakhti’ amma in la ydihaahdo ‘arrintaasi waa qaddiyad xalkeeda leh oo u baahan in miisaankeeda ku habboon la siiyo’.

.Haddaba, inagoo fursad u haysana inaynu 9 arrimood ku beddelno kalmadda waa mushkilad, maxaa ina saaraya buur inagoo bannaan arkayna.Kalmadaha isticaalkoodu yar yahay, ee loo baahan yahay inaynu badanaa isticmaalno waxa ka mid ah .

Wisiisi: arrin aad iyo aad looga gubto oo kiciya qofka amma quudhsi.Umal: cadho Silic (waana tii khadra daahir lahayd ‘umalka iiga daa’.

Wikiyayeey= Dhutiyayeey (waana tii ku jirtay heestii ee lahayd ‘wikiyeyeey talaabada wahsiga waran i soo gaadhyeey)

Shaadh-madoobe: Waa qofka had iyo jeer si qalloocan wax u fuliya.

Sagsaag: Waa qofka si qaldan u dhaqma had iyo jeer.

Bidh-bidhiyaa: Muuqaal quruxi ku jirto.

Babanayaa: Ruxmaya kalgacayl.

Dhanxiir: laba wajiilayn.

Imikana waxaynu soo qaadanaynaa kalmadahan si bulshadu u baadho, in khalad ah loo isticmaalo iyo sax loo isticmaalo.

Lambarkaaga xejiso: Mabda’aaga adkayso.

Shidan: waa kalmadaha casriga ah, waxaaana loogala jeedaa soo jiidasho leh amma xiiso leh amma firfircoon

Misidh-garayn: waxa loola jeedaa, marka la sii uureeyo inanta iyadoon la meherin.

Face-booguu galay: Marka qof shaqo ku jiro shaqo qarsoon

koofiyad bacle: odayaasha ugu shaqaysta odaynimada sida khaldan.

Fiiro-gaar ah: Ma jirto aqoon durugsan oo aan u leeyahay af Soomaaliga, laakiin waxa i riixaya baylah jirta iyo halka uu ku sugan yahay.

Rashiid Sulub Caali

Email: sulub2007@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories