HomeKu dhawaad 200 shaqaale ka tirsan 14 hay'adood oo Dawladda ah oo...

Ku dhawaad 200 shaqaale ka tirsan 14 hay’adood oo Dawladda ah oo maanta Imtixaan u fadhiistay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 25 February 2012 (SLpost)-Boqol iyo sagaashan xubnood oo ka kala socday afar iyo toban ka mid ah hay’addaha dawladda, ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii qiimaynta ahaa ee hay’adda shaqaalaha dawladdu ay ku qiimaynaysay shaqaale waynaha dawladda.

Waxa munaasibad loo sameeyey bilowga imtixaankani ka qaybgalay wasiirrada wasaaraddaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Horumarinta reer Miyiga, Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, madax iyo masuuliyiin ka socday laamaha dawladda ee imtixaanka u fadhiisanayey.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md Muxumed Aw-Cabdi oo madasha hadal dheer ka jeediyey ayaa ka waramay siyaasadda ay dawladdu ka leedahay imtixaanadani oo uu ku tilmaamay mid lagu qiimanayo dhammaanba shaqaalaha dawladda, isla markaana lagu ogaanayo tiradooda iyo tayadooda intaba.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa uu sheegay in boqol iyo sagaashanka xubnood ee maanta imtixaanka u fadhiistay ay ka mid yihiin laba boqol iyo labaatan hawlwadeen oo iyana maalinta berry ah qaybta hadhay laga qaadi doono imtixaanka qiimaynta ah.

Md Muxumed Aw-Cabdi waxa uu caddeeyey in qofkii ku dhaca imtixaanku aanu u haynin wax qiil ah, waxaanu u rejeeyey dhamaan ka qaybgalayaasha in Illaahay imtixaanka u fududeeyo.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday oo sheegay in imtixaannada noocan ah muddooyinkii aynu soo dhaafnay ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ay ku hawlanayd isla markaana ay tahay mid daruuri ah in la sameeyo si loo ogaado tayada qofka shaqaalaha ah, waxaanu Eebbe uga baryey inuuu ku guuleeyo imtixaanka.

SOMALILANDPOST NEWS

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories